Categories
Bulsho Society

Gabadha quruxda badan sababta guurka ay uga daahdo iyo furiinkeeda degdega

Dad badan ayaa isweyddiiyo su’aashan. Waxaad arkaysaa dumar fara badan oo qurux leh haddana guurka ka daaho. Qaarkooda waxay gaaraan shan iyo soddon sano.
Taas maxaa keeno?
Waxaad arkaysaa gabdho aan qurux lahayn oo dhaqsi lagu guursado. qaarkooda labaatanka ayagoon gaarin ayaa la guursadaa?
Taas maxaa loo celin karaa?
Marka hore waxaad ogaataa gabadha waxa guurka ka reebo.
Gabar guurka ka daahday waxaa inta badan guurka ka reebay waa labo arrimood.
Tan koowaad waa Waxbarashada.
Naagta marka ay waxbarasho ku jirto inta badan ma guursato, waxay aaminsan tahay ninkeeda inuu ka reebayo waxyaalo fara badan. Sidoo kale waxay ku mashquulaysaa gurigeeda. Haddii ilmo ay dhashana ilmaheeda ayaa waqti badan uga baahan.
Sidaa awgeed ma awooddo inay jaamacad ama iskuul waqti siiso.
Waa la heli karaa gabar xaas ah oo haddana waxbarato. Taas waxay ku xiran tahay ninkeeda.
Tan labaad waa quruxdeeda.
Haddaba sidey quruxda u reebaysaa guurka?
Naagta markay qurxoon tahay oo ragga ay soo jiidato waxaa soo doono rag fara badan.
Markaas waxay diidaysaa raggaas oo dhan iyadoo aaminsan inaysan dhuldhacaynin.
Nin kaste iyada soo doonto way diidaysaa. waxay raadinaysaa ninka ugu lacagta badan. ama ninka ugu aqoonta badan. Waliba waxay sugaysaa ilaa ay ka hesho nin isku darsaday lacag iyo aqoon iyo inuu dibadda ku nool yahay.
Taas waxay keenaysaa fursado badan inay iska lumiso.
Marka ay gabarnimada ku daahdana nimanka masoo raadiyaan.
Illeen ninka inta badan wuxuu rabaa gabar yar oo ilmo badan u dhali karto. Naag soddonka dhaaftay waxaa adag inay ilmo badan dhasho.
Waxaa laga yaabaa markaas inay hesho nin naag qabo oo ilmo badan aan rabin.
Marka quruxda sidaas ayay sabab ugu noqonaysaa inay naagta guur waayso.
Sidoo kale quruxda dumarka waxay ku abuurtaa gabdhaha islaweyni iyo kibir.
Waxay yasaysaa nin kaste iyada soo doono, waxay aaminsan tahay inuusan u qalmin iyada nin walba.
Kuwaas oo kale xattaa dhaqsi ayaa lagusoo furaa. Maxayeelay ninkooda marka ay la joogaan caay iyo yasitaan kama baxaan.
Waxay liidaan ninkooda. Naagta noocaas ah Waxay ku leedahay ninkeeda mar walbo. niman kaa fiican ayaa I rabay ee adiga maxaad tahay.
Taas ninka waxay u keenaysaa inuu naco. Cuqdad ayuu u qaadaa markaas.
Waayo niyadda ayay ka dilaysaa markay sidaas kula hadlayso.
Marka gabadha quruxda badan way yar yahay inay noqoto naag fiican oo dabeecad wanaagsan leh.
Adiga sideed u aragtaa naagaha quruxda badan?
Waligaa ma shukaansatay gabar qurux badan.

Sababaha ugu muhimsan furiinka

Many people ask themselves this question. You see many beautiful women who delay marriage; some even reach the age of thirty-five.
What causes this?
Conversely, you see young women who are not particularly beautiful getting married quickly—some even before they reach their twenties.
How can this be explained?
First, consider what holds a woman back from marriage.
For a woman whose marriage is delayed, there are usually two main factors involved.
The first is education.
A woman often does not marry while pursuing her education, as she believes a husband might hinder her in various ways. She would also become occupied with managing a household; if she were to have a child, the child would require a great deal of her time.
Consequently, she would be unable to dedicate time to university or school.
It is possible for a married woman to pursue an education, of course, but that depends on her husband.
The second factor is her beauty.
So, how does beauty delay marriage?
When a woman is beautiful and attracts men, she receives many marriage proposals.
She rejects all these suitors, believing she can afford to be picky.
She turns down every man who comes along, searching instead for the wealthiest or most educated man. She waits until she finds someone who combines wealth and education—and who lives abroad. This often leads to many missed opportunities.
If she remains unmarried for too long, men stop pursuing her.
After all, a man usually wants a young woman capable of bearing many children; it is difficult for a woman over thirty to have a large family.
She might eventually find a man who is already married and does not want more children.
In this way, beauty can actually become a reason a woman fails to find a husband.
Beauty can also instill arrogance and pride in women.
She may look down on any man who seeks her hand, believing that no man is worthy of her.
Such women often find themselves divorced quickly, as they constantly insult and belittle their husbands.
They disparage their husbands, frequently telling them, “Men better than you wanted me; what are *you*?”
This causes the husband to resent her and harbor deep bitterness.
She crushes his spirit when she speaks to him that way.
Consequently, it is rare for a beautiful woman to also possess a good character and a pleasant nature.
What is your opinion of beautiful women?
Have you ever courted a beautiful woman?

Leave a Reply