Site icon Daruur درور

Gabadh xumaan kusoo jiri jirtay markay doobka ahayd malaga yaaba markay guursato kadib inay fiicnaato

Su’aasha:

A S C, su’aashan qabo waxa weeyan gabadha wakhtigedi doobka ahayd hadi ay lasoo shukaansan jiray rag badan sido kalena la shumin jiray naasahegana la taataban jiray marka sidad horay usoo sheegten gabdhaha la qabo ee nimankooda khaayima sababaha ugu wacan ay kamid tahay xiligay gabdhaha ahaayen inay rag badan la xiriri jiren marka wxn rabay inad i fah faahisan gabadha xiligeedi hore rag badan lasoo xiriri jirtay gabadha haday guursato dhaqanka xun ma laga yaaba inay iska dayso ay marwo fiican noqoto mahad sanid.

Gabadh xumaan kusoo jiri jirtay markay doobka ahayd malaga yaaba markay guursato kadib inay fiicnaato
Gabadh xumaan kusoo jiri jirtay markay doobka ahayd malaga yaaba markay guursato kadib inay fiicnaato

Jawaabta:

Caadi ahaan gabadha haddii yaraanteeda rag badan ay u barato kama hari karto falkaas, waxaa la dhahaa qof wuxuu uu barto waa baaskiisa, taas waxaa sabab u ah raga kala duduwan ay aragtay, maxaayeelay nin kaste wuxuu wataa sifo kan kale laga yaabo inuusan wadanin, marka la guursado waxay isku dayaysaa inay isu barbardhigto raga siday kala yihiin dhinac walba, xataa naagta garoobta ah marka nin guursado ninkii hore ma illowdo, niyaddeeda ayuu soo galayaa.

Laakin way dhici kartaa inay towbad dhab ah la timaado oo Ilaahay soo hanuuniyo, maxaayeelay naxarissta Ilaahay way ballaaran tahay.

Exit mobile version