Site icon Daruur درور

Gabadh xaas ah ninkeedu siinayo jacayl oo nin kale raadinayso maxaa la dhihi karaa

Su’aasha:

Wll su’aashayidu waxa weeyan, gabadh nin qabo uu siinayo jecel fiican, raaxo macaan iyo wanaag farabadan marka haday gabadha xaaskisu nin kale xirir la yeelato gabadha arintaas maxa ku kalifay baa ladhihi kara, fadlaan jawaab dag dagan uga baah’na mahad sanid.

Jawaabta:

Gabadh xaas ah ninkeedu siinayo jacayl oo nin kale raadinayso maxaa la dhihi karaa
Gabadh xaas ah ninkeedu siinayo jacayl oo nin kale raadinayso maxaa la dhihi karaa

Naag nin qabo haddii nin kale ay xiriir la samayso waa naag xun oo liidato mana aha in lagu kalsoonaado, wax kaste ayaa ka suurtagalaya,  maxaayeelay ninkeeda ayaa la rabaa inuu ku filnaado haddii ay tahay naag qooq badan oo ninkeeda aan deeqin waxaa laga rabaa inay runta u sheegto ninkeeda ay ku dhahdo walaalow adiga ima qancin kartid ee i fasax, ma aha inay nin kale raadiso iyadoo nin qabo oo ay khiyaanto, waliba waxaa kasii xun midda nin kale ilmo ka keenayso oo ninkeeda u tiirinayso.

Exit mobile version