Gaastariga sababaha keena iyo daawada ugu fiican

Gaastariga sababaha keena iyo daawada ugu fiican

Cudurka gaaska ama gaastarig loo yaqaano afka carabiga waxaa lagu dhahaa  التهاب المعدة  taas oo mahnaheeda ah ololka caloosha ama caabuqa caloosha, afka english waxaa lagu dhahaa Gastritis.

Waa olol ka dhasha dhaqanxumida cuntada ama qofka inuu cuno cunto xumaatay ama inuu qaato daawooyinka caloosha dhib u keena.

Gaastariga maxaa lagu gartaa?

Qofka gaastariga hayo wuxuu dareemaa lallabo ama yaqyaqsi sidoo kale matag iyo calool xanuun sidoo kale abiteedka ayaa ka xirmaya ama dibir ayuu dareemaa sidoo kale dheefshiidxumo inuu isku arko oo loo yaqaano Dyspepsia .
Gaastariga daran wuxuu keeni karaa inuu qofka saxaro dhiig saxaroodo.
Qofka waxaa ku dhici kara dhiigyari joogto ah wuxuu noqonayaa qof xayeesi ah oo tabar yar taasna waxaa sabab u ah dhiigga oo saxarada soo raacaya mar walba.

Maxaa keena cudurka gaaska?

Waxaa jira sababo badan oo keenaya cudurka gaaska waxaa ka mid ah daawooyinka antibiyootiga sidoo kale aalkulada iyo nooc ka mid ah darooogada, mararka qaarkooda wuxuu ka imaan karaa tabaryarida isdifaaca jirka

Sidee loo baari karaa gaaska?

Dhiigga ayaa laga ogaan karaa iyo shaqada beerka iyo kelliyaha iyo xameetada ama si toos ayaa loo fiirin karaa xuubka caloosha iyadoo loo adeegsanayo qalabka lagu fiirinayo.

Waxaa lagu daaweeyaa daawo loo yaqaano Proton-pump inhibitors (PPIs) taasoo dib u dhigta sameynta aashitada caloosha iyo daawooyinka loo yaqaano Antacid. iyo daawooyinka loo yaqaano H2 antagonist.

Daawooyinkan waxay ku wajahan yihiin dhakhaatiirta ee kuma wajahna dadweynaha.

Gaastariga sababaha keena iyo daawada ugu fiican
Gaastariga sababaha keena iyo daawada ugu fiican

Waxaa lagama maarmaan ah qofka inuu dhakhtar u tago si uu u ogaado qaabka uu daawada u qaadan karo.
Sidoo kale in laga fogaado waxyaalaha sii kciya gaaska:

Waxaa ka mid ah qaxwada iyo basbaaska iyo cunto kaste qofka caloosha ka ololin karta ama laabjeex u keeni karta, laabjeexa wuxuu ka dhalanayaa gaaska.

 

Basbaaska guduudan arag jirkaaga waxa uu ku sameeyo

 

Gastric disease known in Arabic as التهاب المعدة which is called gastrointestinal flames or gastrointestinal infections, in English it is called Gastritis.

It is a flame caused by eating disorders or a person having to eat bad food or taking medications that cause problems in the stomach.

How do you know gas?

A person with gastroenteritis feels nausea or vomiting as well as vomiting and nausea as well as vomiting and vomiting. They also feel dyspepsia.
Severe gastric can cause a person to vomit blood.
A person can develop chronic hemorrhage and become weak and this is due to the blood that follows the stool at all times.

What causes gastric disease?

There are many causes that cause gastric disease including antibiotics as well as antibiotics as well as alcohol and a type of drug, sometimes it can come from weakness in the body’s immune system

How to test for gas?

Blood can be detected and the function of the liver and the cervix and gallbladder or directly look at the abdominal mucosa using the instrument of observation.

It is treated with proton-pump inhibitors (PPIs) that delay the formation of stomach aches and medications called Antacid. and drugs known as H2 antagonists.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More