Furiinka laysku qasbo ma dhacaa

Furiinka laysku qasbo ma dhacaa

Su’aasha

Hadii si qasab ah lagaga furo xaaskaaga idinko is jecel, weliba dagaal iyo dil la idiinla yimaado MA KAA FURMAYSAA GABADHAADU?

Waad mahadsan tihin.

Furiinka laysku qasbo ma dhacaa
Furiinka laysku qasbo ma dhacaa

Jawaabta

Marka hore waa inaan ogaanaa wuxuu yahay qasabka

Qasab waxaa laga wadaa qofka marka loogu gooddiyo in la dilayo ama dhaawac weyn loo geysanayo ama xabsi dheer la dhigayo, qofka ku gooddinaya waa inuu awood u leeyahay inuu fuliyo waxa uu ku gooddiyay

Culimada hore way isku khilaafeen haddii qofka lagu qasbo inuu naagtiisa furo inuu dhacayo furiinka iyo in kale.

Mada’ahbka Xanafiga wuxuu qabaa inuu dalaaqa si kaste ha ahaadee uu dhacayo xitaa qofka haddii lagu qasbo inuu xaaskiisa furo.

waxayna daliilsadeen cumuumka kusoo arooray aayadaha dalaaqa sidoo kale axaadiista dalaaqa.

Laakin mad’habka Maalikiga iyo kan Shaaficig iyo Xanbaliga waxay qabaan inuusan dhacaynin qofka la qasabay furriinkiisa

waxayna daliilsadeen aayadda kusoo aroortay suuratu Annaxal oo ah:

 (مَن كَفَرَ بِاللَّهِ مِن بَعْدِ إِيمَانِهِ إِلَّا مَنْ أُكْرِهَ وَقَلْبُهُ مُطْمَئِنٌّ بِالْإِيمَانِ وَلَٰكِن مَّن شَرَحَ بِالْكُفْرِ صَدْرًا فَعَلَيْهِمْ غَضَبٌ مِّنَ اللَّهِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ)

(Qofkii ku kufriyo Ilaahay markuu rummeeyay kaddib midka la qasbay mooyee isagoo qalbigiisa iimaanka ku xasillan laakin qofka laabtiisa gaalnimo u furay kuwaas korkooda waxaa ku sugnaaday caro xagga Alle ka timid  waxayna leeyihiin cadaab weyn)

aayaddan waxay sheegtay qofka la qasbay inaan wax loo qabsanaynin xitaa gaalnimo hadday tahay, marka furiinka waa kasii hooseeyaa gaalnimada.

teeda kale waxay daliilsadeen xadiiska ah :

عن ابن عباسٍ رضي الله عنهما: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: (إن الله تـجاوز لي عن أمتي الـخطأ والنسيان وما استكرهوا عليه)؛ حديث حسن، رواه ابن ماجَهْ والبيهقي وغيرهما

(Ilaahay ummadayda wuxuu u dhaafay khaladka iyo halmaanka iyo wixii lagu qasbo)

Marka waxaa xoog badan in qofka la qasbay furiinkiisa uuna dhacaynin.

 

Ninkayga ayaan furiin ka dalbaday naar miyaan ku galaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More