Fiirinta farjiga xaaska indhabeel maa laga qaadaa

Does looking at the wife's genitals cause blindness?

Su’aasha:

Waxaan maqlay qofka sheekh sheegaya xadiis reebaya qofka inuu fiiriyo fariga xaaskiisa hadduu sidaa sameeyo wuxuu ka qaadaa indhabeel xadiiskaas ma jiraa haduu jiro ma saxiix baa jawaab ayaan idinka sugayaa.

Fiirinta farjiga xaaska indhabeel maa laga qaadaa
Fiirinta farjiga xaaska indhabeel maa laga qaadaa

Jawaabta:

Xadiis ayaa kusoo arooray oo reebaya inuu qofka fiiriyo xubinta taranka xaaskiisa iyadoo aysan jirin dan markaas keenaysa inuu fiiriyo.

xadiiska waxaa wariyay Ibnu Xibbaan waana sidan:

«إذَا جَامَعَ الرَّجُلُ زَوْجَتَهُ فَلَا يَنْظُرْ إلَى فَرْجِهَا، فَإِنَّ ذَلِكَ يُورِثُ الْعَشَا»

(ninka markuu u galmoonayo xaaskiisa yuuna eegin farjigeeda arrinkaas wuxuu keenayaa aragti daciif ah)

Xadiiskan waa daciif culimada way daciifiyeen kama sugna nabiga (SCW).

Ibnu Xazm oo ka mid ah culimada waaweyn ayaa aad u raddiyay  wuxuu yiri ninka waxaa u bannaan xaaskiisa farjigeeda inuu wax galiyo kuna raaxaysto sidee loogu diidaa inuu eego.

culimada Shaafiyada qaarkooda waxay qabaan inay kiraaho tahay, waxayna cuskadeen xadiis kale oo arrintaas laga fahmayo. marka waxaa xoog badan aragtida culimada sheegay inay ninka u bannaan tahay fiirinta farjiga xaaskiisa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More