Fasirka riyada timirta marka la cunayo

Fasirka riyada timirta marka la cunayo

Su’aasha:

Asc waxaan ku riyooday anigoo timir cunayoo riyadaa maxa lagu fasirii karaaa.

Fasirka riyada timirta marka la cunayo
Fasirka riyada timirta marka la cunayo

Jawaabta:

Riyada cunidda timirta waa riyo aad u wanaagsan waxaa lagu fasiraa arsaaq badan iyo hanti kayd oo qofka uu wax ka cuni doono.

sidoo kale waxaa lagu fasiraa iiman iyo quraan akhris timirta waa cunto aad u fiican oo barako badan.
Markii ay foolanaysay nabi Ciise (CS) hooyadiisa waxaa la faray inay timirta cunto Alle wuxuu yiri:

(وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا  * فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَـٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا)

(una gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane. * ee cun oo cab qabowsana il (farax) haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna)

Ibnu Siiriin wuxuu sheegay in la wariyay saxaabigii weynaa Cumar bin Alkhaddaab (RC) uu ku riyooday asoo timir cunaya wuxuu arrinkaas u sheegay rasuulkii Alle (SCW)  wuxuu yiri rasuulka: taas waa macaanka iimaanka.

Raadraac

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More