Site icon Daruur درور

Fasirka riyada geel kugusoo ordaya

Su’aasha:

Qof hadduu arko rati oo xagiisa usoo ordayo laakin aan dhib u geysan maxaa lagu fasiri karaa.

Fasirka riyada geel kugusoo ordaya
Fasirka riyada geel kugusoo ordaya

Jawaabta:

Qofkii arko geel guud ahaan waa riyo macne badan wadata, laakin middan adiga aad sheegayso waxay tilmaamaysaa rafaad iyo dhibaato xaggaaga soo wajahan sida muuqata waad ka badbaadi doontaa, geela marka uu kugusoo ordo ma aha riyo macne fiican leh, waxay tilmaamaysaa mashaakil iyo dhib. waxaa ugu muhimsan arrinka aad faraha kula jirto inaadan ka sal gaari doonin, oo aad ku fashilmayso, hilibka geela waxaa lagu tiriyaa waxyaalaha ugu cabsida badan xagga riyada, marka khayrka riyada Ilaahay haku waafajiyo.

 

Riyada Geel Iga Cararay Oo La Qali Rabay

Exit mobile version