Site icon Daruur درور

Fasirka riyada fowdo dalka ka dhacayso

Su’aasha:

Walaal waxa aan ku riyoodey dalka oo foodo weyn ka dhacday xabado la isku ridayo dadka shacabka ahine ee marba dhinac u ordayaan aniga xitaa dhinacayga aan ka ordayo kadib 3 quf ayaa isoo bursaneysa wax hub ah ma wataan anigane waan ka cararayaa waxaan ka korayaa meel buur ah kii isku daya buurtaa inuu soo koro aan dhagax weyn madaxa ugu soo deynayo kii koowaad markaan dhagax kusoo daayey kuwi kale wey iga hareen oo ma aysan soo korin buurta ( riyada maxey tilmaamaeysaa).

Fasirka riyada fowdo dalka ka dhacayso
Fasirka riyada fowdo dalka ka dhacayso

Jawaabta:

Riyada sida ka muuqata waxay tilmaamysaa waxa dalka hadda ka socda qalqalka soo galay doorashada, iyo siday isugu haystaan siyaasiyiinta soomaaliyeed.

Waxaa kaloo laga fahmayaa riyada in laga takhalusi doono qofka fowdada wado oo kuwa kale ay ka hari doonaan fowdada, shacabkana inay ka badbaadi doonaan fowdada.

Sidoo kale riyada waxay noqon kartaa wax naftaada kaliya la xiriira maadaama aad ka fikirayso marxalada uu dalka hadda marayo, illeen Farmaajo doorashada wuu hirgalin waayay mucaaradkana way diiddan yihiin inuu Farmaajo madaxweyne sii ahaado, taas way dhici kartaa in maskaxdaada ay ku wareegsanayso oo aad ku riyootay, riyada mararka qaar marka ay maskaxda ku wareegsanayso fasiraad ma laha.
Laakin haddii aad aragtay riyada adoon ka fikirin saan sheegnay waxaa lagu fasiri karaa in laga takhalusi doono qofka fowdada wada oo markaas dalka uu toosi doono.

Exit mobile version