Waxaan ku riyooday walaal anoo sankeyga diif badan ka socdo marka riyadaas oo kale maxaa lagu fasiraa Mahadsanid Daruur.
Jawaabta:
Qofkii ku riyoodo asoo sankiisa diif ka socdo, wuxuu ka badbaadayaa murugta iyo walwalka haysta ama deynta lagu leeyahay ayuu gudayaa ama dad ayaa ka abaal marinaya wixii ay u qabteen waxaa kaloo lagu fasiraa ilmo inuu dhalayo qofkaas, marka diifka ama hargabka oo sanka soo baxayo waa astaan tilmaamaysaa qofka inuu ka nafisi doono dhibka haysta.