Asc walal waxan raba in la ii fasiro riyo aan arkay waxay tahay fasiirkeeda alle ayaa og hadan sheego waxan ku riyooday xaaskeyga wiil ii dhashay wiilkas aan magac u bixiyay ogow xaaska aan hadda qaba uur ayay ii leedahay waana 4 bilood waxana ku riyooday in uu wiil ii dhashay marka madama ay uur leedahay aaan ku riyooday wiilka ay dhashay muxuu yahay fasiirka wiilka ma bishaaro ama ?
Jawaabta:
Guud ahaan dhalmada waa wax wanaagsan marka lagu riyoodo, waxyaalo badan ayay noqonaysaa waxaa ka mid ah qofka inuu gaaro danta uu lahaa ama inuu helo waxa uu rabay guud ahaan waa bishaaro.
laakin maadaama xaaskaaga ay uur leedahay waxaa dhici karto inay gabar dhasho waayo xaaladahan oo kale riyada waxaa laga yaabaa inay cagsi noqoto, way noqon kartaa inay dhasho wiil mararka qaar riyada sideeda ayay ku fasirantaa.
si kastaba riyadan waa bishaaro waa khayr weyn kuu soo socdo Ilaahay hakuu barakeeyo.