Fasiraadda riyada salaada jimcaha lacag iyo caano laga soo helaayo

Su’aasha:

Dhamaantiin waan idiin salaamayaa halwadeenada pagekan, waxaanan idinku salaamayaa salaada islaamka (ASC).
marka labaad waxaan jeclahay inaad ii fasirtaan riyo aan ku riyooday kadib markii aad dib u yara seexday salaadii subax kadib.

Riyadu waxay tahay: Salaad jimce ayaan u kacay inta aan labistay dabadeed waxaan qabtay masaajidka ama goobtii salaada jimce lagu tukanaayey dabadeed waxaan tagay salaadii oo la iga hor baxay, dabadeed waxaan go’aansaday in aan iska tukado afartii ragcadood ee duhurka madaama jimcii la iga hor baxay. Dabadeed waxaanu is waydaaranay dadkii salaada ka soo baxay oo aad u fara badnaa, meesha salaada jimce lagukanaayey markaa masaajid iilamay muuqan ee waxay iila muuqatay meel fagaara ah, sida garoon kubada lagu ciyaaro oo kale ama dhul banaan, safafka salaada tukanaayeyna aad ayey u dhaadheeraayeen. Markaa waxaan iskaga tukaday goob banaan oo ciid ah oo aan sali oolin. Markii aan salaadii dhamaystay ayaa waxaa la isiiyey laba koob oo caano ah, oo laba bacood ku kala jira oo afkana ka furan dabadeed labadii bacood ayaan isku dayey in aan gunto si aanay caanu iiga daadan waayo aad ayey u buuxeen labada bacood dabadeed inta aan caanihii yara guntay oo aanan si aad ahna u guntid ayaan iska tukaday oo caanihiina qaatay. Mida kale wiil aanu saxiib nahay oo aan garanaayo ayaa isna wuxuu i siiyey lacag oo ii igu yidhi meesha ayaa lagu qaybinaayey oo waad ka habsaantay, markaa lacagtiina laba qaybood ayaanu u qaybsanay isna intiisii ayuu qaatay ana intaydii ayaan qaatay oo aan jeebka gashaday. Halkaa ayey riyadii ku dhamaatay waxaan idinka codsanayaa inaad ii soo fasirtaan. Waad mahadsan tihiin.

Fasiraadda riyada salaada jimcaha lacag iyo caano laga soo helaayo
Fasiraadda riyada salaada jimcaha lacag iyo caano laga soo helaayo

Jawaabta:

Qofka salaadda jimacaha ay dhaafto waxaa lagu fasiraa in arrimo badan aysan u suurtagalaynin oo uu ka habaabayo sida saxa ah, sidoo kale inuu la kulmi doono xalaad lacag la’aan ah, taas waxaa kuu sii sugaya ninka saaxiibkaaga ku siinayo lacag meesha lagu qaybinayay taas macanaheeda waa lacag yarida ku haleeli doonto, sidoo kale murugo iyo rafaad ayaa ku soo foodsaaran sida riyada laga fahmayo caanaha iyaga lacag ayay tusaan iyo hanti marka bacda lagusoo shubay waa lacag yar oo aan kugu filnayn marka riyada waa riyo laga fiican yahay oo tusinaysa dhib iyo dhaqaalaxumi ku soo foodsaaran.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More