Ereyo English oo wadaaga xarfaha ICK si sahlan ayaa loo xifdin karaa
Qofka markuu luuqad baranayo waxaa fiican ereyada inuu u xifdiyo qaab uu kusoo xusuusan karo, waayo ereyada qaar waxaa ka dhexeeya xiriir dhanka dhawaaqa ama dhanka macnaha, marka sidaas uu ku xifdiyo aad bay ugu sahlan tahay inuu soo celiyo wixii uu xifdiyay.
Afka ingiriisa waxaa ku badan ereyo isu eg eg kuwaas oo kusoo xusuusin kara xiriir ka dhexeeya macnaha ereyada.
Hadda halkan waxaan kusoo arooronaynaa ereyo English oo wadaaga xarfaha : ICK dhamaan ereyadan waxay ku dhamaadaan xarfahan marka aad sidaas ku xifdisho aad bay kuugu sahlanaanaysaa inaad barato luuqada ingiriiska.
Jadwalkan waxaad ku arkaysaa ereyo English oo ku dhamaado xarfaha aan kuusoo sheegnay sidoo kale iyagoo af soomaali iyo af carabi loo tarjumay.
English Arabic Somali
lick يلعق leefaya
tick قرادة shilinta
kick يركل haraatinaya
pick يلتقط qaadaya
click ينقر gujinaya
wick فتيلة liifad
trick خدعة dhagar
stick عصا ul
sick مريض jirran
thick سميك dhumuc leh
quick سريع degdeg ah
Tarantulas Arabic to Somali – Arabic Translator