Site icon Daruur درور

Dumarka kaadida qabato xiliga raaxada sariirta

Dumarka kaadida qabato xiliga raaxada sariirta

Su’aasha:

walaalo waxan raba su’al ina inin waydiyo waxn isku arkay kaadi inay i qabanayso xiliga ninkayga aan galmo la samaynayo waxan u malaynayaa inay iga fakanayso marka an musqusha aado ma iga imaanayso manta dhan inaan soo riixo ayaan rabaa , taas waxaan isku arkaa kaliya marka ninka galmada igu bilaabo sidoo kale cambarka si xoog ayuu usoo fuuraa taas maxaa la dhihi karaa ma  cudur baa.

Dumarka kaadida qabato xiliga raaxada sariirta
Dumarka kaadida qabato xiliga raaxada sariirta

Jawaabta:

Dareenka kacsiga qofka wuxuu ka dhigayaa qof kaadi hayso oo kale, taasna waxaa sabab u ah dhiigga wadnaha ka imaanayo oo soo galaya xubnaha taranka, waxaa kaloo dhihi karta inuu sabab u yahay ninka geediisa oo cadaadinaya kaadi mareenka maraaks oo ay gabadha kaadi dareento, laakin maadaama aad kaadin waysyay waxay u badan tahay kacsiga xoogan inuu sabab u yahay, xataa raga qaar marka ay si daran u kacsadaan waxay dareemaan inay kaadi hayso.

Waxaa fiican intaadan raaxada sariirta ninkaaga la bilaabin inaad musqusho aaddo oo aad soo kaadiso, si uu u noqdo kaadihayska eber.

Waxaa hubaal ah naagta inay dareento biyabax xiliga ay raaxada ku jirto, naagaha qaar biyaha way kasoo baxaan way soo faniinaan, inay naagta biyo leedahay axadiis ayaa tilmaantay waxaa ka mid ah:

(ماءُ الرّجُل أبيَضَ غَليظٌ وماءُ المرأةِ أصفَرَ رَقيقٌ فأيُّهُما أَعْلَى كانَ الشّبَهُ لهُ)

(Biyaha ninka waa caddaan oo adag biyaha naagtana waa jaallo oo jilcan kuwa sarreeya ayaa u ekaanshaha iska leh) 

 

waxaa wariyay Axmed iyo Annasaa’i iyo Ibnu Maajah

 

riwaayo kale wuxuu ku yiri:

(إذا سَبقَ ماءُ الرّجُلِ مَاءَ المرأةِ أَذْكَرَا بإذنِ الله، وإذَا سَبَقَ ماءُ المرأةِ مَاءَ الرّجُلِ ءانثَا بإذنِ الله)

(hadday ka hormaraan biyaha ninka biyaha naagta lab ayay dhalayaan waana idinka Ilaahay, hadday ka horreeyeen biyaha naagta biyaha ninka dheddig ayay dhalayaan waana idinka Ilaahay).

Muslim ayaa wariyay

Ninkayga Marka Aan La Raaxaysanayo Kaadi Daran Baa Iqabato

Biyo Badan Ayaa Iga Soo Faniino Xiliga Raaxada Sariirta Ma Cudur Baa

Waxaa Isku Xiran Dareenkayga Iyo Kaadidayda

Exit mobile version