Dulqarneyn goormuu joogay ma nabi buu ahaa

Dulqarneyn goormuu joogay ma nabi buu ahaa

Su’aasha:

ASC
Wll yaawaye ninka layiraahdo (dil-qarneen) oo
ALLE SWT qur’aanka noogu sheegay,
Yuu yhy ma nabi miyaa mise waa qof Iska caadi ah
Xilliyada uu noolaa muxuu qaban jiray (qabtay,)
Sidee ayuu ku geeriyooday
Wll sheekadiisa OO kooban.

Baraka-llaahu fiikum…

Dulqarneyn goormuu joogay ma nabi buu ahaa
Dulqarneyn goormuu joogay ma nabi buu ahaa

Jawaabta:

Dulqarneyn   ذو القرنين  waa naanays waxaana laga wadaa labo geesoodle waxaana loogu bixiyay labada dhinac adduunka ayuu gaaray, wuxuu ahaa boqor muslin ah oo wanaagsana adduunka oo dhan ayuu ku wareegay asoo islaamka dadka ugu yeeraya, wuxuu la dagaallmayay dadka isaga ka hor yimaada, quraanka ayaa sheegay qisadiisa waxaa lagu sheegay suuradda Alkahf wuxuu yiri Alle (SW):

(وَيَسْأَلُونَكَ عَن ذِي الْقَرْنَيْنِ ۖ قُلْ سَأَتْلُو عَلَيْكُم مِّنْهُ ذِكْرًا ‎ * إِنَّا مَكَّنَّا لَهُ فِي الْأَرْضِ وَآتَيْنَاهُ مِن كُلِّ شَيْءٍ سَبَبًا)

(waxay ku warsan Dul qarnayn xaggiisa waxaad dhahdaa waxaan idinku akhrin xaggiisa war (waxyi) * a nagaa makaninay (siinnay) xukun dhulka waxaana u siinnay wax kasta sabab (cilmi)).

Waxaa la sheegay inuu joogay waqti u dhow waqtigii nabi Ciise (CS) culimo qaar waxay sheegeen inuu joogay xilligii nabi Ibraahiim (CS).

Dulqarnayn ma ahayn nabi wuxuu ahaa qof suuban, qisadiisa quraanka inakstoo lagu sheegay laakin quraanka kama hadlin waqtiga uu joogay, qisadiisa hadafka laga leeyahay waa cibro iyo wanaano ee muhim ma aha xiliga uu joogay iyo magaciisaba

Mujaahid oo ka mid ahaa culimada taabiciita quraanka fasirayay waxaa laga wariyay inuu yiri:

(ملك الأرض مشرقها ومغربها أربعة نفر : مؤمنان وكافران ، فالمؤمنان : سليمان بن داود وذو القرنين ، والكافران : بختنصر ونمرود بن كنعان ، لم يملكها غيرهم)

(Dhulka barigiisa iyo galbeedkiisa waxaa xukumay afar qofood, labo mu’min iyo labo gaal, labada mu’min waa: Suleymaan bin Daawuud (CS) iyo Dulqarneyn, labada gaalana waa: Bukhtanasar iyo Namruud bin Kancaan, qof kale iyaga aan ahayn adduunka oo dhan kama tilinin).

 

Macnaha ducada laa ilaaha ilallaahu waxdahuu laa shariika lah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More