Asc wll Su,aasheydu way gaaban tahay. Sankeyga waxa ku dhega duufka had iyo jeerna waa uu cabursan yahay, sidoo kale duufka kasoo baxayo waa mid adag oo cagaar ah misana aad u uraya. Hadaba wll maxaa xal u ah cudurkaan?
Jawaabta:
Waxaa laga yaabaa sanqada in caabuq kaa hayo ama xasaasiyad oo dhalisa duuf adag.
Waxaad ku dadaashaa inaad badsato sanjabiisha, shaah ahaan u cab sidoo kale cuntadaada waxaad ku cuntaa toonta ceerinka ah, sidoo kale mararka qaar bukhaarka biyaha kulul sanka ku aaddi wuxuu furaa sanka xiran, qoraalladan hoos ku qoran xiriir ayay la leeyihiin su’aashaada ee akhriso waxaad ka helaysaa faahfaahin dheeraad ah.