Hilibka dhurwaaga mala cuni karaa

What is the ruling eating hyena meat?

Su’aasha:

Waxan idin weydiinayaa mala cuni karaa waraabe ama dhurwaa  waxaan maqlay xadiis ayaa kusoo arooray oo dhurwaaga baneenaya xadiiskaas ma saxiix baa walalayaal

Hilibka dhurwaaga mala cuni karaa
Hilibka dhurwaaga mala cuni karaa

Jawaabta:

Culimada muslimiinta hore way isku khilaafeen cunidda hilibka dhurwaaga ama waarabaha, culimada mad’habka xanafiga waxay u arkeen inuu yahay waraabaha xaaraan waxayna daliilsadeen xadiis muslin wariyay oo ah:

 

(أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَهَى عَنْ أَكْلِ كُلِّ ذِي نَابٍ مِنْ السَّبُعِ)

(inuu reebay rasuulka  Alle (SCW) in la cuno dugaag kaste oo leh mici)

 

 

عن خُزَيْمَةَ بْنِ جَزْءٍ رضي الله عنه قَالَ : سَأَلْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ أَكْلِ الضَّبُعِ ، فقال : ( أَوَ يَأْكُلُ الضَّبُعَ أَحَدٌ ؟! ) وَسَأَلْتُهُ عَنْ الذِّئْبِ فَقَالَ : ( أَوَ يَأْكُلُ الذِّئْبَ أَحَدٌ فِيهِ خَيْرٌ ؟! )

 

Waxaa laga wariyay Khuzayma ibnu ja’zi (RC)  wuxuu yiri waxaan weyddiiyay nabiga (SCW) cunidda waraabaha wuxuu yiri: (ma qofbaa cunayo waraabaha!?) waxaan weyddiiyay yeyda wuxuu yiri (ma qof kheyr leh baa yay cuno!?).

xadiiskan Tirmithi ayaa wariyay wuxuuna ku tilmaamay inuu daciif yahay.

culimo ka tirsan mad’habka Shaafici iyo Xanbali ayaa u arkay inuu yahay dhurwaaga xalaal, waxayna daliilsadeen xadiiska laga wariyay Jaabir.

 

عَنْ ابْنِ أَبِي عَمَّارٍ قَالَ : قُلْتُ لِجَابِرٍ : الضَّبُعُ أَصَيْدٌ هِيَ ؟ قَالَ : نَعَمْ . قُلْتُ : آكُلُهَا ؟ قَالَ : نَعَمْ . قَالَ قُلْتُ : أَقَالَهُ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ؟ قَالَ : نَعَمْ .

 

Ibnu Abii Cammaar ayaa yiri waxaan ku iri Jaabir: waraabaha ma ugaarbaa? wuxuu yiri : haa waxaan ku iri: ma cunaa? wuxuu yiri: haa , waxaan ku iri: ma rasuulkaa yiri: wuxuu yiri: haa.

xadiiskan Tirmithi ayaa wariyay.

laakin waxaa xoog badan halkan  mad’habka xanafiga waayo daliilka ay wataan ayaa ka cad kana xoog badan daliilka culimada kale ay wataan.

Waraabaha waa dugaag mici leh waliba wuxuu ka helaa bakhtiga wuxuuba  ka sii liitaa libaaxa iyo dugaagta kale xagga ka helidda bakhtiga.

Wuxuu yiri Abuubark ibnu Alcarabi Almaaliki: (… waxaa yaab leh qof xarrimaya dabacada iyadoo digaag ugaarsanaysa banneynayana dhurwaaga asagoo ugaarsada dadka oona cuna)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More