Site icon Daruur درور

Dhul barwaaqo ah maxaa lagu fasiraa

Su’aasha:

Asc ilaahay ha idin ilaaliyo marwalba
1 waxaan ku riyooday anoo jooga meel banaanoo buuro yar yar le oo dooga iyo dareemadu misigta kuu qabanayaan oo wada green ah oo aad uqurux badan oo ay xoolo daaqayaan siiba adhi

2 waxaan ku riyooday anoo dhex socda meel hawda ama kayn ah oo geedo waawaynle oo aad uqurux badan oo geedaha caleentoodu qoyan tahay oo green ah oo intuu roobku da’ay xareedu wadhan tahay
Allah mahadle

Dhul barwaaqo ah maxaa lagu fasiraa
Dhul barwaaqo ah maxaa lagu fasiraa

Jawaabta:

Labada riyaba waxay tilmaamayaan barwaaqo iyo nolol fiican, riyada cagaarka iyo beeraha guud ahaan waa barwaaqo uu helayo qofka ku riyooday, waa riyo wanaagsan oo xambaarsan khayr badan.

Exit mobile version