Site icon Daruur درور

Dheg xanuunka ilmaha yar iyo dhacaanka dhegta

Su’aasha:

Asc

Waxa jirta cunug oo gabar ah oo aan adeer u ahay oo hada jirta 1 sano iyo 4 bilood.
Waxa xanuuna dhagaha oo mararka qaar dheecaan badan keena.

Marar badana waa la geeyay dhakhtar (hospital) balse
Waxba
Wali waa sidii uun marka sidee loola tacaali karaa . ?
Daawo rasmi ah majirtaa?
Lkn
Maxaase keena dhaga xanuunka?

Dheg xanuunka ilmaha yar iyo dhacaanka dhegta
Dheg xanuunka ilmaha yar iyo dhacaanka dhegta

Jawaabta:

Xanuunka dhegta sababo badan ayaa keeni kara waxaa ka mid ah jug inay madaxa qofka ka gaarto, jugtaas oo laga yaabo inay dhacaan keento muddo kaddib, waxaa laga yaabaa xuubka gudaha inuu jeexmay oo dhegta ku xiraya gudaha jirka, waxaa laga yaabaa in dhegta uu galay wax jirka ka baxsan haba yaraadee.
Guud ahaan waxaa loo daaweyn karaa si dabiici ah, in dhegta mar kaste ay qalayl ahaato oo maro nadiif ah ama suuf in lagu tirtiro, sidoo kale qofka in laga fogeeyo qaylada waa in lagu hayaa meel aan ka jirin buuq, sidoo kale in laga ilaaliyo jugta iyo dhaqdhaqaaqa daran iyadoo loo adeegsanaya daawooyinka xanuunka baabi’iya iyo antibooyink, maamaadama uu yahay qofka xanuunsan ilmo yar inaan lagu degdegin daawada kiimikada.

Marka dheg xanuunka iyo dhacaanka dhegta mararka qaar waa isla socdaan laakin waxaa laga yaabaa dhacaan inay dhagaha keenaan iyadoon xanuun jirin, sidoo kale inay xanuunaan iyadoon dhacaan jirin
Marka inshaa Allaah muddo kaddib wuu ka roonaanaa.

Exit mobile version