Site icon Daruur درور

Dayaxa mala tagay mise waa been la habeeyay

Dayaxa mala tagay mise waa been la habeeyay

Su’aasha:

Wll dayaxa in lagaadhay ma runbaa? Diinteenna islaamka marka loo eego macquul ma noqonaysaa in dayaxa la gaaadho

Dayaxa mala tagay mise waa been la habeeyay
Dayaxa mala tagay mise waa been la habeeyay

Jawaabta:

Maraykanka waxay sheegteen 1969-kii inay tageen dayaxa, laakin sida dhabta ah waxay ahayd beentii ugu weynayd oo dadka laga dhaadhiciyay, iyadoo sidaas ay tahay ayaa dad badan oo shacabka maraykanka ka mid ah ay beeniyeen in dayaxa la tagay, gadaal dambe waxaa caddaatay in arrimahaas lagu habeeyay meelo ka mid ah saxraha Nevada ee maraykanka oo loo adeegsaday camera iyo moontaaj iyo action la jilayo in daxaya lagu degay soosaareyaal hollywoodka ka tirsan ayaana ka dambeeyay.

Xataa waxaa jira nin maraykan ah oo buug ka qoray arrintaas asoo kasoo horjeeda in daxaya la tagay buugga waxaa la dhahaa:  We Never Went to the Moon, waxaana la qoray sanadka markuu ahaa 1976-kii.

Xataa sawirada ayaa beenta fashilinaya, hoosaska ka muuqda waxay caddeynayaan in nal lagu iftiiminayo nalalkaasna ay dhanicyo badan kasoo ifayaan, waxaa kugu filan daliil ahaan sidee ay ku suurtagashay arrintaas 1969-kii iyadoo haddana la tagi la’yahay mar kale? marka laysku barbardhigo hormarka maraykanka ay gaareen aad bay u kala fog yihiin, haddii la tagi lahaa hal mar dowr jeer ayaa lagu noqnoqon lahaa, illeen wax haddii hal jeer la sameeyo mar labaad way fududdahay in la sameeyo, daliilyaal badan ayaa jira oo diidaya arrintaas intaan diinta la gaarin, waxaana la dhihi karaa waa beenta ugu weyn oo dadka laga dhiidhiciyay.

Marka halkan laguma soo koobi karo daliilyada kuu caddeynaya arrintaas  waxaad ka raadin kartaa internetka iyadoo English iyo carabi iyo afaf kale ayaad ka heli kartaa, muuqaalkan ayaad ka heli kartaa qeyb ka mid ah daliilyada:

 

أدلة  قوية من الأحداث والملابسات تنسف هبوط الإنسان على سطح القمر وثائقي مهم

 

Exit mobile version