Dareenka raaxada kaadida waa maxay Caafimaadka - Health By Su'aalaha On Mar 29, 2021 1,428 0 Su’aasha: Xubinkayga taranka waxan dareemaa macaansi markaa kaadshayo cun cun markay biyahu iga imaadana kaadida ma xajin karo usobab ah ma la odhan karaa. Dareenka raaxada kaadida waa maxay Jawaabta: Dareenka raaxada la dareemo xliga kaadida inta badan waxaa keenaa qofka oo aan mudo biyo ka bixin oo xubintiisa taranka la gaaxiyay, buuxsanaanta ay buuxdo ayaa keenaysa qofka inuu dareemo raaxo marka ay kaadida soo marayso xubinta, waayo xubinta marka ay muddo moog tahay biyabax dareenka aad buu u dhow yahay wax kaste taabto wuu kiciyaa, saad og tahay kaadida waxay ka timaadaa kaadihayska oo kulul markaas waxay soo martaa xubinta iyadoo kulul kulaylkaas wuxuu saameeyaa dareemaha geedka ninka markaas ayuu qofka dareemayaa kacsi. Laakin raga xaasaska qaba oo galmada sameeya inta badan ma dareemaan dareenkaas waxa aad u dareema raga doobka ah taasna waxaa ugu wacan baahida ay u qabaan galmada. Gubitaanka kaadidaKaadida Iyo KacsigaKaadida Xiliga Galmada 0 1,428 Share