Dambiga weyn iyo midka yar maxaa lagu kala gartaa Fatwada By Daruur On Apr 23, 2019 498 0 Dambiyada waxay u kala baxaan labo nooc mid weyn iyo mid yar. Dambiga weyn waxaa lagu gartaa dhowr astaamo. In qofka sameeyo naar loogu gooddiyo Sidoo kale in lacnad korka laga saaro Sidoo kale in lagu tilmaamo inuu yahay dambi weyn. Dambiga weyn iyo midka yar maxaa lagu kala gartaa waxaa ka mid ah dambiyada waaweyn sino, sinada waa nin inuu u tago naag uuna qabin sidoo kale qof inuu hanti uusan lahayn qaato iyo xatooyada iyo ribada iyo dilka qof inuu dilo naf dhowrsan, sidoo kale khamra inuu cabbo qofka. Related Posts Waqtiga Salaadda Prayer Times in World Jun 13, 2024 Sababaha janada lagu galo oo kooban Feb 8, 2024 Afarta nabi oo is dhalay iyo anbiyada dhashay Feb 25, 2023 Dambiga weyn sidee looga towbad keenaa? Dambiga weyn haddii uu yahay mid xaq Ilaahay keliya ah qofka wuu ka towbad keeni karaa waxaa shardi ah: inuu iska dhaafo dambiga falkiisa iyo inuu go’aansado inuusan u laabanaynin iyo inuu ka shallaayo. haddii dambiga xaq dad uu la socdo markaas waa inuu xaqa dadka u celiyaa. sida qof lacag qof kale ka xaday markuu towbad keenayo waa inuu lacagtaas u celiyaa qofka uu kasoo xaday. Damabiga yar waa sida qof inaad cayso ama naag inaad si shahwo leh aad u fiiriso sidoo inaad qof ku jeesjeesto iwm. waxaa lagu dhaafayaa salaadaha iyo camalka suuban sadaqada istiqfaarta. iwm. DambigaTowbad 0 498 Share