Daawada jeexjeexa jirka baabi’isa Caafimaadka - Health By Su'aalaha On Jun 22, 2021 725 0 Su’aasha: Asc wll waxaan ahay wiil dhalan yaro ah ma buurni waan is dhisaa lkn jeex jeex ayaa lee yahay bowdada dabada ma wax caadi ah baa mise way xun tahy mida kle hada xooga yar ayaa igu jiro inuu igu bato malaga yaabaa Markaan buurnaado ayuu igala ayaa uamalaynayaa Daawo iga baabi inayso ii sheeg ama aalmiito lagu baa bi iyo mahadsanid. Daawada jeexjeexa jirka baabi’isa Jawaabta: Jeexjeexa jirka inta badan wuxuu ka dhashaa qofka marka uu miisaanka jirkiisa isbadalo, qofka cayilnaa markuu caato noqdo, naagta uurka lahayd markay dhasho caloosheeda jeejeex ayaa soo galaya, inta badan wuu iska baaba’aa muddo kaddib, sidoo kale waxaa lagu baabi’in karaa saliid seytuun in la mariyo habeen kaste ama subaga geedka kaakowga loo yaqaano, sidoo kale saliidda geedka Avocado loo yaqaano. Waxaa kaloo jirta daawo loogu talagalay oo lagu magacaabo Glycolic Acid daawadaas iyadana way baabi’isaa waa daawo laga helo farmashiyaha. Laakin adiga maadaama uusan kugu badnayn waxaad ku baabi’in kartaa saliid seytuun. Jeexjeexa Jirka 0 725 Share