Site icon Daruur درور

Daawada cudurka niyadjabka (Depression) ee ugu fiican

Daawada cudurka niyadjabka (Depression) ee ugu fiican

Su’aasha:

Waan idin salaamay dhamaan bahda daruur ASC Waxan ahay 18 jir waxa iga xanuusan waalidkay waxaan ku arkay depression padan waxa ka si daran wax aan jirin inu is moodsiiyo kadipna uu sidaa ku aamino waxkastoon sameeyo ina ka dhaadhicin kari waayo inaysan waxan jirin marka hore iigu so duceeye waalidkay inu illahay ii caafiyo marka xigta waamaxay cudurkani sideena aan uga dawayn karaa.

Daawada cudurka niyadjabka (Depression) ee ugu fiican
Daawada cudurka niyadjabka (Depression) ee ugu fiican

Jawaabta:

Marka hore aabbahaaga Ilaahay caafiyo cudurka hayana Ilaahay haka qaado.

Cudurka Depression     مرض الاكتئاب   (niyadjabka)  wuxuu ka mid yahay jirooyinka nafsaaniga waxaa keena sababo ilaa iyo hadda aan la xadidi karin oo la xiriira maskaxda qofka, waxaa kaloo la sheegaa hormoonada jirka inuu xiriir la leeyahay cudurkan,  waxaa kaloo keena dhaxal hore iyo qofka duruufaha uu soo maray xagga nolosha, sida qofka inuu waayay oo kale qof uu jeclaa ama in hantidiisu ka burburtay iyo walwalka badan, sidoo kale qofka marka uu xanuunsado xanuun daran oo jirro aan laga raysanin oo kale waxaas oo dhan way u keeni karaan.

Qaabka loo daaweeyo waxay ku xiran tahay habka loo raacayo daawada cudurka  Depression, waxaa jira daawooyin fara badan lagu dejiyo cudurka waxaana laga helaa farmashiyaha waa daawooyin kiimikaal ah, waa inuu dhakhtar u qoraa, qofka iskama soo gadan karo asoon loo qorin,  laakin waxaa ugu fiican daaweynta nafsiga, waxaa kaloo lagu dadaalayaa qofka in la siiyo daaooyinka vitamiinada ama dabiiciga sida  Omega 3 oo laga helo farmashiyaha waa vitamin,  iyo Ascorbic acid waa vitamin, iyo geedka Ginseng oo ah geed dabiici ah oo faa’idooyin badan u leh caafimaadka guud ahaan, cudrkanna waa lagu daaweeyaa, sidoo kale qofka inuu salaadda badiyo maxaayeelay salaadda waxay qofka u dhistaa nafsiyaadka, sidoo kale qofka in loo daliigo jirka taasna waxay yaraysaa walwalka iyo niyadajbka.

 

Kartida jirka iyo awoodda maskaxda habka loo soo celiyo

Exit mobile version