Cunto aan cunay ayaan ka shakiyey inuu khansiir ku jiro

Su’aasha:

Asc waxan rabaa inan ku weydiiyo sual aan aad ugu walwalsanahay hadadan aan ku wax kuso qoroyo safar ayan ahay oo waxan joga Airport ka, waxan cunto ka iibsaday airport ka dhexdisa dalab ka aan ugu shegay inan wax gansir igu dari karin arkan gate an diyarada ka raaci rabay markan imaday waxan cuntada ku dhex arkay wax u eg gansiir ama bacon oo xeer ah u ek marka baahi na way I haystay rooti iyo qudaar ayey aheyd marka wan iska saaray wixi bacon u ekaa lakin shaki aya I galay pls iso jawab.

Cunto aan cunay ayaan ka shakiyey inuu khansiir ku jiro
Cunto aan cunay ayaan ka shakiyey inuu khansiir ku jiro

Jawaabta:

Marka hore shaki iyo yaqiin waa in la kala saaraa, haddii shaki kaliya uu yahay oo wax astaan aan jirin oo tilmaamayso hilib khansiir inuu ku jiro cuntada ama dufintiisa wax saameys ma laha, laakin haddii aad ku aragto cuntada hilib khansiir iyada oo dhan ma cuni kartid maxaayeelay way isku dhex jiraan.

Teeda kale gaajada aad sheegeyso ma aha gaajo aad u dhimanayso marna makuu banaana inaad cunto hilib aad dareentay inuu khansiir yahay, saad sheegtay waxaad gadan kartaa waxyaalo kale oo ka fog hlibka ama rootiga marka ha u noqonin falkaas waa halis.

Hilibka doofaarka ama khansiirka Quraanka si xoog ayuu u xarrimay marna looma dhowaan karo cunto lagu darayna lama cuni karo baruurta, dufinta, lafaha, iyo maqaarka dhamaan waa xaaraan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More