Culimadu markay axaadiista rasuulka scw fasirayaan maxay udhahaan “aw kamaa qaal”
Su’aasha:
Walal culimadu markay axaadiista rasuulka scw fasirayaan maxay udhahaan “aw kamaa qaal” ama “calaa macnal xadiith” iwm.
Jawaabta:
Ereyga أو كما قال ama على معنى الحديث waxaa la adeegsadaa qofka marka uusan xifdisnayn ereyada xadiiska nabawiga oo nabiga (SCW) laga wariyay, wuxuu diidayaa inuu ereyo soo arooriyo oo uusan nabiga (SCW) dhihin, marka wuxuu dhahaa أو كما قال mise على معنى الحديث , haddii sidaas uusan dhihin oo erey xadiiska aan ku jirin uu nabiga u tiiriyo taas waxay keeni kartaa inuu ku been abuurto xadiiska rasuulka (SCW), maxaayeelay rasuulka (SCW) wuxuu yiri:
(مَن كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ)
(qofkii igu been abuurto asoo kas ay ka tahay fadhigiisa naarta haka diyaarsado).
Marka taas iyadoo taas layska ilaalinayo ayaa la adeegsadaa ereyda aad sheegtay.