Cudurrada siigada dumarka ay leedahay

Cudurrada siigada dumarka ay leedahay

Su’aasha:

gabar ayan ahay 17 sano ayan jiraa waxan ahay gabar suni u gudan marka dareenkayga wu badan yahy siba habenki markan hurdi rabo waxan is arkaa anoo gacnta kula jira alabtay hose si xun ayan ugu daliga gacanta waxan ka darema jira jiriirico daran qoyan badan aya iga yimada wadnahan si xun aya ii garcman madaxan wanka warera cafimadka miyay wax iga yelaysa arintas an sameyo aman ka hari karo isbuc kaste ayn k dhaqaqa labo jer o kale.

Cudurrada siigada dumarka ay leedahay
Cudurrada siigada dumarka ay leedahay

Jawaabta:

Falka aad samaynayso waxaa la dhahaa siigo ama seego waa fal raga iyo dumarkaba ay ku kacaan dhibka raga uu u geysto falkaas waxaa la mid ah dhibka u gabdhaha u geysto, marka hore waxaa laga yaabaa inaad bikaarada ku weyso waayo daliigaas wuxuu keenayaa inay meesha wax soo gaaraa, teeda kale faruuraha cambarka ayaa miadbkooda madow noqonayan sidoo kale aad bay u weynayanaa taasna waxaa sabab u ah daliiga aad raaxada ka raadinayso meesha oo dhiiig soo galaya markaas kulayl ayay noqonaysaa taas waxay keenaysaa maqaarka gumaarka inuu weynaado, teeda kale waxay keenaysaa marka lagu guursado inaad raaxo ka heli wayso galmadadabiiciga ah, kaliya waxaad raboonaysaa in ninka gacanta kugu raaxeeyo ama adiga aad farta ku raaxaysato taasoo keenaysaa sidoo kale naftaada inay murugo gasho, dumarka siigaysta kalsoonida ayaa dhumayso marka la guursado ma gaari karaan biyabaxa dabiiciga ah  had iyo jeer maskaxda waxaa kaga jira arintaas.

Cudurada laga qaado siigada inta badan waxay u noqonayaan cuduro nafsi ah, way dhici kartaa jiro xubin inay keento

Marka siigada haweenka dhib ayay u keenaysaa waxaa laga rabaa inaad ka fogaato si ad naftaada uga ilaaliso khatarta ay leedahay.

Dumar badan waxay u mmalaynayaan seegada inaysan naagaha dhib u geysanaynin laakin fikaraddaas way qaldan tahay.

Waxaa ugu filan dhibkeeda midka nafta ay u geysanayso dhaawac weyn ayay nafta u keenaysaa oo sii jiri doono xataa haddii ay gabadha guursato. Dareenka raga iyo dumarka waddo saxan ayaa loogu talaggalay taasna waa guur.

Jiritaanka qoyska xaga nolosha aadanaha wuxuu ka mid yahay nimcooyinka Alle (caza wa jalla) ee ugu waaweyn, wuxuu ku galladeystay Alle (SW) addoomihiisa nimcadan oo ku sugan kitaabkiisa kariimka ah, wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

 

{وَاللَّـهُ جَعَلَ لَكُم مِن أَنفُسِكُم أَزواجًا وَجَعَلَ لَكُم مِن أَزواجِكُم بَنينَ وَحَفَدَةً وَرَزَقَكُم مِنَ الطَّيِّباتِ أَفَبِالباطِلِ يُؤمِنونَ وَبِنِعمَتِ اللَّـهِ هُم يَكفُرونَ}.

(Eebe wuxuu idinka yeelay naftiinna azwaaj wuxuuna idinka yeelay Haweenkiinna caruur iyo farac idinkuna arsaaqay wanaag ma baadhilbay rumayn oy Nicmada Eebay ka Gaaloobi)

wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ مَنِ اسْتَطَاعَ البَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ، فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ، وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ). المصدر

(Dhalinyarooy qofkii awoodo guurka ha guursado, maxaayeelay isagaa aragga u laabid badan farjigana u ilaalin badan, qofkii aan awoodin ha soomo , maxaayeelay wuxuu u yahay gooyn)

Qofka muslinka waxaa la faray inuu ilaaliyo xubinta taran quraanka ayaana lagu sheegay arrintaas Alle wuxuu yiri:

(وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ ‎﴿٥﴾‏ إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ ‎﴿٦﴾‏ فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ)

(Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya * Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas * Ruuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal)

 

Dhiigga habeenka aqalgalka iska soconaya maxaa keeno

Bigra Jawinta Dhiig Badan Miyaa Ka Yimaado

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More