Cudurka raga dumarka aan guur u bandhigi karin

Su’aasha:

Walaal waxaan rabaa oonku hamiyey sanadkan inaan guursado hadana sidaas ay tahay dhanka la haasaawida iyo xod xodoshada dumarka iskuma wanaagsanin oo waanka xishoodaa marka sidee arintaas iigu fududaan kartaa.

Cudurka raga dumarka aan guur u bandhigi karin
Cudurka raga dumarka aan guur u bandhigi karin

Jawaabta:

Taas waxaa la dhihi karaa waa cudur nafsi ah, raga ka baqa inay dumar usoo bandhigaan arrimo guur la xiriira.

Guur haddaad diyaar u tahay shardi ma aha inaad naag muddo dheer la sheekaysato, shukaansiga xun wuxuu keenayaa dhibaato iyo qaladaad, marka haddii aad diyaar u noqoto guur gabadha aad ka hesho u dir walaashaada ama gabar qaraabo aad tihiin si ay u gaarsiiso dalabkaaga, markaas waxaa laga yaabaa inaad awoodid ka hadalka guurka ama inaad u bandhigto wixii aad rabto xagga mustaqbalka guurka.

Cabsida aayar aayar ayay kaaga baxaysaa marka aad qabka aan soo sheegay soo marto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More