Site icon Daruur درور

Caruurta gaalada ma garacyo baa maadaama aysan nikaax islaami ku dhalan

Su’aasha:

Sida aan ognahay ruux Muslim ah gaal maguursan garo labada ruux ee Muslim ah way is xalalestan lakin galada maxay isku guursadan cunuga gaalada dhaleyn ma garacba Hadi labadisa Walid is layawan xita

Caruurta gaalada ma garacyo baa maadaama aysan nikaax islaami ku dhalan
Caruurta gaalada ma garacyo baa maadaama aysan nikaax islaami ku dhalan

Jawaabta:

Dadka gaalada ilmahooda ma aha garac haddii ay isku guursadaan guurka iyaga u degsan tusaale ahaan yahuudda waxay isku guursadaan axkaamta diintoooda ka hartay sidoo kale kirishtaanka iyo gaalada kale, hadday soo islaamaan guur cusub is guursada lama oranayo, guurkoodii hore ayaa loo qiraa, taasna waxaa lagu dhaqmi jiray samankii hore oo islaamka lasoo dejiyay, gaalada soo islaami jirtay ninka iyo naagtiisa hadday soo islaamaan lama oran jirin nikaax cusub sameeyaa, sidaas oo kale ayaana laguma dhaqmaa gaalada hadda jooga, hadday soo islaamaan lama dhahayo nikaaxiina waa qaldanaa ee hadda is guursada, taasna culimada muslimiinta badankooda ayaa qaba, waxayna daliilsadeen labo aayadood aayadda koowaad waa oraahda Alle:

(وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ الْحَطَبِ)

(Haweenaydiisii Qoryaha xambaari jirtayna )

waxay ka hadlaysaa abuu lahab xaaskiisa, iyada iyo ninkeeda gaalo ayay ahaayeen tiirinta loo tiiriyay ayaa laga fahmayaa nikaaxooda in loo qiray

aayadda labaadna waa oraahda Alle:

(وَقَالَتِ امْرَأَتُ فِرْعَوْنَ قُرَّتُ عَيْنٍ لِّي وَلَكَ ۖ لَا تَقْتُلُوهُ عَسَىٰ أَن يَنفَعَنَا أَوْ نَتَّخِذَهُ وَلَدًا وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ)

(Waxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda iyo taada ee ha Dilina, waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno Wiile, mana Oga Iyagu (Dhabta)).

Wuxuu yiri Alle:

(وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ آمَنُوا امْرَأَتَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ابْنِ لِي عِندَكَ بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ وَنَجِّنِي مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِ وَنَجِّنِي مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ)

(Waxaa kale oo Eebe Tusaale uga dhigay kuwa rumeeyay Haweenaydii Fircoon markay tidhi Eebbow Guri agtaada iiga dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo Camalkiisa, igana nabad geli dadkaas daaliminta ah).

ayadahaan oo dhan waxaa laga fahmayaa in nikaaxa gaalada  ansaxayo, wuxuu yiri Ibnu Qudaama asoo caddeynaya arrintaas:

(وحقيقة الإضافة تقتضي زوجية صحيحة . وقال النبي صلى الله عليه وسلم : ولدت من نكاح , لا من سفاح . وإذا ثبت صحتها , ثبتت أحكامها , كأنكحة المسلمين)

(xaqiiqada tiirinta waxay keenaysaa xaasnimo sax ah, wuxuu yiri nabiga (SCW): nikaax ayaa laygu dhalay ee sino layguma dhalin, hadday taas sugnaato axkaamteedana way sugnaanaysaa sida nikaaxyada muslimiinta oo kale).

Exit mobile version