Caloolxuun iyo shuban maalinta ciida maxaa keena

Dad badan ayaa ka sheegta calool xanuun daran ama shuban iyo mantag maalinta ciidda fidriga ama maalmaha ku xiga.

Marka hore waxaad ogaataa jirka ama caloosha inay la qabsatay gaajo dharaarta Ramadaanka.

Caloolxuun iyo shuban maalinta ciida maxaa keena
Caloolxuun iyo shuban maalinta ciida maxaa keena

Marka subaxdii ciidda aad xalwo iyo buskut ka buuxiso markaas aad ku qadayso cunto hilib iyo maraq iyo bariis ama soor, taas waxay keenaysaa in caloosha ay dhibsato waxyaalahaas ay ka nasatay muddo bil ah.

Marka waxaa dhaco dhib iyo jirro oo u keenaysa qofka caluulxuunka.

Marka maxaa la sameeyaa qofka marka sidaas ay ku dhacdo?

Qofkii dhibkaas qabsao waa inuu cabbaa biyo nadiif ah si ay cuntada u fududaato, haddii ay siyaado malab saafi ayuu cabbi karaa asoon daawo kiimika ah aadin.

Qofka sidee buu isaga ilaalin karaa maalinta ciida in dhibkaas qabsado?

Way fududday waa inuu iska ilaaliyaa cuntada badan maalmaha ugu horreeya bisha soonfur si aayar waa inuu u qaata cuntada.

 

Many people report severe stomach pain or diarrhea and vomiting on Eid al-Fitr or the days following.
First, you know that your body or stomach has become accustomed to the hunger of Ramadan.
When you fill up on halva and biscuits on the morning of Eid, then you have meat, soup, rice or sor for lunch, this causes your stomach to feel uncomfortable after a month of rest.
Then a problem and illness occurs that causes the person to have a stomachache.
So what should a person do when this happens?
A person who has this problem should drink clean water to make the food easier, if it is too much, he can drink pure honey without any chemical medicine.
How can a person protect himself from this problem on Eid al-Fitr?
To make it easier, he should avoid eating a lot in the first days of the month of fasting, and he should eat slowly.

Leave a Reply