Calool fadhi saxarada oo adkaata maxaa u roon

Su’aasha:

Sidee loo jilciyaa saxarada adag oo soo dhaafi wayda xiidmaha taas oo sabab u tahay calool fadhi iyo xanuuno kale ?

Calool fadhi saxarada oo adkaata maxaa u roon
Calool fadhi saxarada oo adkaata maxaa u roon

Jawaabta:

Qofka in caloolfadhi hayo waxaa lagu gartaa dhowr arrimood waxaa ka mid ah wuxuu u baahan yahay awood badan inuu bixiyo markuu saxaroonayo, sidoo kale saxarada oo dhagax oo kale noqota, iyo inuu dareemo saxarada inay tahay mid aan dhamaanin, iyo wax yar kaliya inuu saxaroodo.

Caloolfadhiga waa halis wuxuu keeni karaa jirrooyin aad u daran, qofka waa inuu iska ilaaliyaa intuu karo.

Caloolfadhiga waxa u fiican waa cuntooyinka qoyan sida maraqa iyo suugada, waxaa kaloo u roon qudaarta noocyadeeda kala duwan sida babaayga iyo qajaarka, waxaa kaloo qofka laga rabaa inuu badsado biyaha, iska ilaali cuntada qalaylka ah sida rootiga iyo muufada iyo bariiska oo qalalan waxay adkeeyaan caloosha, qofka waxaa la rabaa sidoo kale inuusan daawo adeegsan si dabiici ah ayuu u jilcin karaa calooshiisa, qofka marka calooshiisa ay socoto cudrro badan ayuu ka badbaadaa.

Waxa kaloo caloosha jilciya saliid macsarada iyo saliid seytuunka qofka cunaya saxaradiisa way jilcaysaa, waa inuu ka fogaataa cuntada warshadaha.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More