Site icon Daruur درور

Cadaalad iyo Sinnaan maxay kala yihiin

Cadaalad iyo Sinnaan maxay kala yihiin

Cadaalad iyo sinnaan aad baa loo adeegsadaa siiba waxaa la adeegsadaa marka laga hadlayo raga iyo dumarka, sidoo kale waxaa adeegsada siyaasiyiinta marka ay ka hadlayaan shacabka iyo dowladda waxa ka dhexeeya.

Cadaaladda ma aha sinnaan sidoo kale sinnaantana ma aha cadaalad mar kaste.

Cadaaladda iyo sinnaanta
Cadaaladda iyo sinnaanta

Cadaaladda waa qofka in la siiyaa xaqqa uu leeyahay

tusaale ahaan  nin iyo naag is guursaday haddii aan dhahno way siman yihiin waa imaanayso in ninka shaqada guriga qabto isagoo ay usii dheer tahay shaqada bannaanka, marka la simo labadooda wax badan ayaa meesha ka imaanaya.

laakin cadaaladda waa ninka inuu kasoo shaqeeyaa bannaanka naagtana waa inay qabataa shaqada guriga.

taas mahnaheeda ma aha inaysan isu kaalmaynin.

tusaale labaad waxaad dhashay labo wiil mid jaamacad buu dhigtaa midna waa naas nuug isku mid aha aha baahidooda, midkan wuxuu u baahan yahay gaari raac buugaag iyo qarashka jaamacadda kanna caano iwm ah ayuu rabaa marka cadaaladda waa inaad siisaa mid kaste waxa uu rabo.

sawirkan ayaa kuusoo koobaya cadaaladda iyo sinnaanta eeg:

Marka ma aha sida dad badan ay u fahmeen cadaalada iyo sinaanta.

Aayadaha dhaxalka markaad si fiican u eegto waxaad ogaanaysaa si cadaalad in loogu qeybiyay wiilka iyo gabadha marka ay dhaxlayaan, quraanka wuxuu u dejiyay qaacido caan ah Alle wuxuu yiri:

(يوصِيكُمُ اللَّهُ فِي أَوْلَادِكُمْ ۖ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ)

(Wuxuu idiin Dardaarmi Eebe Caruurtiinna kan Lab la mid Qaybta Labo Dhadig)

(وَإِن كَانُوا إِخْوَةً رِّجَالًا وَنِسَاءً فَلِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنثَيَيْنِ)

(hadday yihiin Walaalo Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa u sugnaaday Labo Dhadig Qaybtood)

Maxaayeelay diinta islaamka ninka ayay mas’uuiyadda biilka iyo talada gurka dusha ka saartay gabadhana guriga ayaa la faray inay ilmaha ku tarbiyeyso wax kastana inuu ninka banaanka uga keeno, gaalada iyo gaal raaceyaasha waxay iska dhigaan inay dumarka la safan yihiin oo ay taageeraan ay xuquuqdooda difaacaan waxaas oo dhan waa been dumarka shaqaalaha maraykanka marka la weyddiiyay naagta inay shaqayso ama inay gurigeeda joogto oo ninkeeda u shaqeeyo waxay doorbideen inay ragooda u shaqeeyaan, laakin taas ma heli karaan maxaayeelay nolosha ayaa laga rogay, raga maba rabaan naag aan shaqaynaynin, maxaayeelay warbaahinta ayaa ka dhigtay naagta inay shaqayso oo ninka ay ka kaaftoonto inay tahay hormar, taasna hadafka laga leeyahay waa in la burburiyo wax qoys la dhaho.

 

Islaamka Iyo Cadaaladda Iyo Sinnaanta

Exit mobile version