Site icon Daruur درور

Cabsida iyo xishoodka maxaa lagu daaweeyaa

Su’aasha:

ASC wad kumahadsantihiin si quruxda badan ee aad ugu tagantihiin inad dadka wax bartan OO jahilnimada iyo madmadowga ukasartan aniga ahan su’aalo badan ayan idin waydiyay si qurux badan ayadna ugu so jawabten cilmiga allaha idin ziyadiyo taladi ugu dambeysayna wan qatay hadana aad ayan uficanahay inta kadib waxaan idin waydiin laha cabsida iyo xishoodka raga kale laga xiishooda ma cudurba anigu self confidence malihi English iyo soomaligaba sifiican ayan u aqana lakin dadka hoortooda kuma hadli karo inay ilayabayan ayan umaleya bal kwrma.

Cabsida iyo xishoodka maxaa lagu daaweeyaa
Cabsida iyo xishoodka maxaa lagu daaweeyaa

Jawaabta:

Marka hore waxaad ku kalsoonaataa Allaha ku abuuray, Allahaas waa midka ku siiyay mowhibada hadalka iyo fahanka iyo caqliga, waxaa kaloo aad ku kalsoonaataa Alle kaddib naftaada, waxaad ogaataa qof dhammaystiran inuusan jirin haddii aad dadka hor istaagto oo aad qaldanto taas inaysan ceeb ahayn waxaa la rabaa inaysan ku saamaynin arintaas, qof kaste wuu qaldamaa, teeda kale waxaad ogaataa dadka inaysan wax kuu dhimi karin, xataa haddii qof wax kaa sheego waxaad ogaataa in aan dadka laga nabadgalaynin marka hadalkooda kasoo qaad malaha, maxaayelay dadka badankooda xaasidnimo ayay ka tahay qof inay wax ka sheegaan, qofka daacadda ah wuu ku saxayaa asoon kugu jeesjeesin.

Marka isku day inaad la qabasato oo aad  hor istaagto dadka aad la hadli rabto, cabsida aayar aayar ayay kaaga baxaysaa waadna la qabsanaysaa.

Waxaa kaloo gacanta aad ku qabsataa buug ama warqad middaas waxay kaa saacidaysaa cabsida aad dareemayso.

Exit mobile version