Site icon Daruur درور

Caanaha naasaha ma lagu tukan karaa

Caanaha naasaha ma lagu tukan karaa

Su’aasha:

waxaan ahay qof ilmo nuujiso, caano aad u badan baan leeyahay mararka qaarkooda anoo salaadda ku jira ayay igasoo daataan siiba marka aan rukuuco ama sujuudo qoyaan badan ayaan dareemaa marka salaadda wax may u dhibaan caanahaas fadlan jawaab degdeg.

Caanaha naasaha ma lagu tukan karaa
Caanaha naasaha ma lagu tukan karaa

Jawaabta:

Caanaha naashaha dumarka waa daahir sidaasna waxaa qabo culimada badankooda wuxuu ku yiri imaan nawaw kitaabjiisa almajmuuc 2/587 :

(لبن الآدمي طاهر على المذهب  ، وبه قطع الأصحاب إلا صاحب الحاوي فإنه حكى عن الأنماطي من أصحابنا أنه نجس ، وإنما يحل شربه للطفل للضرورة … وهذا ليس بشيء ، بل هو خطأ ظاهر ، وإنما حكى مثله للتحذير من الاغترار به ، وقد نقل الشيخ أبو حامد إجماع المسلمين على طهارته)

(Caanaha dadka waa daahir sida uu yahay mad’habka (wuxuu ka wadaa Shaafici) sidaas ayay gooyeen shaaficiyada, qofka Xaawiga qoray mooyee wuxuu ka sheegay Al-anmaadi oo ka mid ah asxaabteen inay yihiin nijaas waxaa kaliya loogu xalaaleeyay cunugga inuu cabbudo daruuro awgeed… arrinkan waxba ma aha, bal waa qalad cad, waxaa loosoo arooriyaa waxaan oo kale in laysaga digo in lagu sirmo, wuxuu soo guuriyay shaykh Abuu Xaamid inay muslimiinta isku waafaqeen inay daahir yihiin)

marka caanaha naasaha ka yimaada waa daahir waysada ma jabiyaan salaaddana ma buraan, naagta haddii ay dharkeeda ku daataan way ku tukan kartaa inay dhaqdo ma aha, nadaafad ahaan way fiican tahay inay u dhaqo shiirkooda si aysan maeada uga soo shiirin laakin nijaas m aha.

Xaaska haddii naaska laga nuugo ma furmeysaa

Exit mobile version