Site icon Daruur درور

Caajiska iyo wahsiga maxaa lagu bixiyaa

Su’aasha:

Asc sheik ilahay haku xafido waxan rabaa inaad talo isiiso aniga waxan isku arkay caajis howl qabo markan isdhaho wan ka cajisa mana qaban karo markan go, aan qaado isdhaho yoolkaga xaqiiji ee wax baro waan cajisa lakin markan talefon io wax yalaha nolosha micno u yeleynin wey ila fududata sideen ugu gudba nolosha sidaan ah talo isii waad ku Mahdsantahy madama bulshada wax ficn u heysan asc.

Caajiska iyo wahsiga maxaa lagu bixiyaa
Caajiska iyo wahsiga maxaa lagu bixiyaa

Jawaabta:

Taas waxay u noqonaysaa niyadda adiga sida muuqato niyadjab ayaa ku haya ee kuma hayo cudur jirka ku saabsan, naftaada marka ay aaddo taleefan iyo waxyaalaha qiimaha aan lahayn way firfircoon tahay, markii ay aaddo wax faa’ido u leh caajis ayaa ku soo degaya.

Waxaad samaysaa sida soo socoto, marka hore Ilaahay talasaaro waxaad ka fikrtaa mustaqablka adduunka iyo aakhiro, maxaad ku badbaadi kartaa nolosha adduun iyo midda aakhiro, waxaad eegtaa taariikhdii lasoo dhaafay waxaa lagaa rabaa inaad ka faa’ideysato, kaddib aad naftaada ku maquuniso wixii wax kuu taraya nolosha.

Sidoo kale waxaad ogaataa marka aad Ilaahay ka baqdo oo aad ku dadaasho cibaadada iyo Quraanka inaad awood yeelanayso oo aad helayso firfircooni, sidoo kale la saaxiib dadka wanaagsan oo aan wakhtigooda lumin oo wax la wadaag wax la baro la sheekayso ka faa’ideyso, sidoo kale ku dadaal saad ku yeelan lahayd nolol fiican, xaas suuban iyo ubad wanaagsan kana shaqeey saad ku heli lahayd waxaas oo dhan waxay ku siinayaan firfircooni.

Soon maalmaha isniinta iyo khamiista soonka qofka ayuu karti siiyaa noloshana wuu kuu maceeyaa.

Exit mobile version