Biyaha ninka haday naagta kasoo daataan uur ma qaadi kartaa
Su’aasha:
scw dhib ayaa i haysta dhowr sano ayan xaas qabaa naagtayda wali uur ma qaadin markaan u galmoodo biyaha waxyar kadib way soo laabtaan biyaha inay kasoo noqdaan farjiga naagta wax caadi miyaa sidaas haday tahay uur ma qaadi karta.

Jawaabta:
Soo noqoshada manida ninka waa wax caadi ah xiriir lama laha uur qaadidda, taas sabab uma aha uur qaadid la’aanta xaaskaaga, ninka marka uu xaaskiisa biyaha ku shubo haddii ay uur qaadayso isla markaas ayay qaadaysaa xataa hal dhibic ha ahaadaan biyaha, inta kale farjiga biyaha wuu soo celiyaa, dumarka badankooda biyaha marka ay qaataan way soo noqdaan illeen farjiga biyaha ma keydsanayo, dhalmada waxaa laga yaabaa dhib kale inuu kaa haysto adiga ama iyada.
The return of semen in a man is normal and has nothing to do with pregnancy. This is not the reason for your wife’s inability to conceive. When a man ejaculates on his wife, if she is pregnant, she will immediately ejaculate, even if it is just a drop. The rest of the water is returned to the vagina. Most women ejaculate because the vagina does not store water. There may be other problems with childbirth, either for you or for her.
