Site icon Daruur درور

Baxnaano maxaa loola jeeda afka soomaaliga

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa daahfurtay mashruuc lagu magacaabay baxnaano.

mashruucaas oo loogu gargaari doono dadka danyarta ah ee soomaaliyeed oo dhibka kasoo gaaray faafidda cudurka corona virus.

kalmadda baxnaano oo af soomaaliga macne qadiin ah ku leh dad badan oo soomaali ayaan garanaynin macnaha ay leedahay kalmadda baxnaano.

Baxnaano
Baxnaano

Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. sidoo kale waxay noqonaysaa ilaalin ama dhowrid sida qof bukan oo akle ama xoolo iwm.
marka ereyga wuxuu tilmaamayaa ilaalin. marka gacan waa erey qadiin ah oo af soomaaliga waa hore la adeegsan jiray ayuu ka ka tirsanaa.

sidoo kale waa afka suugaanta lagu adeegsado iyo gabayada iyo heesaha.

gabay ama hees ayaad ku arkaysaa ereyga baxnaano sidaa awgeed dad badan ayaa la yaabay markay arkeen dowladda inay u bixisay magacan mashruuca samafalka dadka. sida la og yahay af soomaaliga waa af ballaaran oo leh ereyo badan siiba marka laysku daro lahjadaha af soomaaliga lahjadaha maayga iyo lahjadaha maxaatiriga waxaa kuusoo baxaayo ereyo aan lasoo koobi karin.

wuxuu la tartamayaa afafka caalamiga ah hadda wuxuuba galaya jaamacado badan oo caalamka ku baahsan in llagu dhigo.

Exit mobile version