Site icon Daruur درور

Astaamaha lagu garto naagta ku neceb

Astaamaha lagu garto naagta ku neceb

Su’aasha:

Gabar iyadoo nin qaba oo jecel inay ninkaas aflagaadayso oo liiddo oo aan tixgalin an u haynin maxaa la dhihi karaa xaaladaas, naagta ninka markay nacdo maxaa lagu garan karaa arimahaas miyay u yihiin astaan in gabadha ninka ay neceb tahay?

Astaamaha lagu garto naagta ku neceb
Astaamaha lagu garto naagta ku neceb

Jawaabta:

Waxaa la dhahaa naagta jacaylka ninka waxay qarin kartaa  afartan sano laakin nacaybkiisa ma qarin karto hal saac.

Naagta ninka markay neceb tahay waxaa lagu gartaa dhowr calaamo waxaa ka mid ah calaamooyinka, ninka hadalkiisa inaysan qiimaynin markuu la hadlo xataa hadday xaaskiisa tahay, inay mar kaste hadalkiisa durto oo ay liiddo, markay maqasho qof isaga amaanayo xataa caruurtiisa hadday yihiin inay isku daydo xumaantiisa inay sheegto iyadoo diiddan amaanta la amaanayo, sidoo kale hadduu qalad hal mar ka dhaco ma illowdo maanta oo dhan way ku celcelinaysaa fursad ayay u aragtaa inay kaga gudsato.

Ninka hadduu dareemo naagtiisa inay neceb tahay waxaa ku habboon inuusan waqti ku luminin, waayo cadaab ayay galinaysaa siiba marka uu weynaado caruurta ayay ka xoogaysaa wayna baddalaysaa waxayna ka dhaadhicinaysaa in aabbahooda uusan qiime lahyan ceebtiisa ayay ka buuxinaysaa maskaxdooda xataa hadduusan lahayn way u samaynaysaa.

Naagta ku jecel lagama yaabo inay sidaas samayso.

Waxaa la sheegaa astaamahan inay yihiin kuwa ugu caansan:

 

 

  1. تجاهل الزوج.
  2. تكرار رفض الزوجة لممارسة الواجبات الزوجية.
  3. إهمال التواصل معه.
  4. إهمال وجود الزوج وتهميشه.
  5. عدم الاهتمام به به.
  6. عدم تقبل أي شيء منه.
  7. استنزاف مال الزوج.
  1. Inaan ninka la qiimeynin.
  2. In mar kaste loo diidiyo gogosha.
  3. In xiriirkiisa aan la danaynin.
  4. In joogitaankiisa aan la danaynin iyo in la liido.
  5. Inaan lagu dadaalin.
  6. Inaan wax laga oggolaanin.
  7. In maalkiisa la dhameeyo.

 

  1. Ignore the spouse.
  2. Repeated refusal of the wife to exercise marital duties.
  3. Neglecting to communicate with him.
  4. Neglect of the existence of the husband and marginalization of him.
  5. Not paying attention to him.
  6. Not accepting anything from him.
  7. Depletion of the husband’s money.

Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa

 

Calaamadaha lagu garto qofka xaasidka halkan ka daawo

Exit mobile version