Anoo janaabo qaba wax ma cuni karaa?

Su’aasha:

Wll anoo janaabo qabo wax ma cuni karaa waxaan maqlay qofka isagoo qasli qaba inuusan wax cuni karin ilaa uu ka qubeysto arinkaas ma adillo ayaa jirta oo saxiix ah oo suubaneheena Scw ka sugnaatay bal faah faahin isiiya.

Anoo janaabo qaba wax ma cuni karaa?
Anoo janaabo qaba wax ma cuni karaa?

Jawaabta:

Qofka janaabada qaba wuu cuni karaa cunto wax dhib ma laha xaaraan ma aha, arintanna waa laysku raacay culimada muslimiinta oo dhan ayaa qaba, kaliya waxaa sunno ah inuu qofka weysaysto marka uu rabo inuu cunto cuno, taasna waxaa loo daliisaday xadiiska Caa’isha (RC) oo muslin uu wariyay waxay tiri:

( إذا أراد أن يأكل أو ينام وهو جُنُبْ تَوَضَّأ )

(Hadduu rabo inuu cuno ama uu seexdo asoo janaabo qaba wuu weysaystaa).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More