Waxaan idin waydiinaa anoo janaabo qaba suuqa ma gali karaa ama dibada ma ubixi karaa anoon maydhan sida in an shaqo tago ama hawlo daruuri ah u baxo anoo rajaynaya in aan maydho duhurka oo kale jasakuallh.
Jawaabta:
Wax dhib ma laha inaad guriga ka baxdo oo aad dantaada soo qabsato adoo janaabo qaba, kaliya waxaan banaanayn inaad qubeyska dib u dhigto ilaa ay salaadda kaa tagto.
Xadiis ayaa jira tilmaamaya inay banaan tahay qofka inuu gurigiisa kasoo baxo asoo janaabada aan ka qubeysanin waxaa laga wariyay Abuu Hureyra (RC).
(أنَّهُ لَقِيَهُ النبيُّ صَلَّى اللَّهُ عليه وسلَّمَ في طَرِيقٍ مِن طُرُقِ المَدِينَةِ، وهو جُنُبٌ فَانْسَلَّ فَذَهَبَ فَاغْتَسَلَ، فَتَفَقَّدَهُ النبيُّ صَلَّى اللَّهُ عليه وسلَّمَ فَلَمَّا جَاءَهُ قالَ: أيْنَ كُنْتَ يا أبَا هُرَيْرَةَ قالَ: يا رَسولَ اللهِ، لَقِيتَنِي وأَنَا جُنُبٌ فَكَرِهْتُ أنْ أُجَالِسَكَ حتَّى أغْتَسِلَ، فَقالَ رَسولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عليه وسلَّمَ: سُبْحَانَ اللهِ! إنَّ المُؤْمِنَ لا يَنْجُسُ).
(Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu la kulmay Abuu Hureyra (RC) asoo maraya qaar ka mid ah jidadka Madiina asoo janaaba qaba, wuu ka dhuuntay kadib wuu tagay wuu soo qubeystay, nabiga (SCW) ayaa raadiyay markuu u yimid wuxuu yiri: Halkeed jirtay Abuu Hureyrow wuxuu yiri: rasuulkii Allow waxaad ila kulantay anoo janaabo qaba waxaan nacay inaan kula fariisto ilaa aan ka qubeysto, wuxuu yiri rasuulkii Alle (SCW) : Subxaanallaah! mu’minka ma nijaasoobo).