Site icon Daruur درور

Anoo janaabo qaba Qur’aan ma dhageysan karaa?

Su’aasha:

Wll anoo janaabo qabo hadaan Qur aan dhageysto dambi miyaa mise waa mubaax bal ii kala cadeey

Anoo janaabo qaba Qur'aan ma dhageysan karaa?
Anoo janaabo qaba Qur’aan ma dhageysan karaa?

Jawaabta:

Quraanka waad dhegeysan kartaa adoo janaabo qaba wax dhib ma laha waana mubaax, sidoo kale naagta dhiiga caadada qabta iyada way dhageysan kartaa quraanka, akhriska ayaan laguu oggoleyn ama inaad musxafka qabato laakin dhegeysiga waa mubaax.

 

Qof janaabo qabo shaambo iyo saabuun maku qubeysan karaa

Anoo umul ah ayaa janaabo igu dhacday qubeys maa igu waajibayo

Exit mobile version