Site icon Daruur درور

Al shabaab ficiladey sameeyaan diinta u ogolaatay mala dhihi karaa?

Al shabaab ficiladey sameeyaan diinta u ogolaatay mala dhihi karaa?

Su’aasha:

Al shabaab waxay marwalba adeegsadaan dad ay ugu sheekeeyeen inay istishaadiyiin yihiin oo janada ay galatians hadana dadkey isku qarxinayaan waa dad muslimiin oo iyagu ugu yeeraan inay murtadiin yihiin arintaas oo kale iyo dhaqanka shabaabku adeegsadaan diinteena ma qabtaa.

Al shabaab ficiladey sameeyaan diinta u ogolaatay mala dhihi karaa?
Al shabaab ficiladey sameeyaan diinta u ogolaatay mala dhihi karaa?

Jawaabta:

Marka hore waa in la ogaadaa qofka muslinka ah naftiisa inuu dilo ama qarxiyo waa xaaraan maxaad u malaynaysaa marka uu dad kale isku qarxinayo?!!, diinta islaamka meel ay kaga jirto ma jirto arrintaas qof caalim isku sheegayana ma dhihi karo way banaan tahay arintaas.

Marka laga hadlo jannada waxaad ogaataa qofka jannada galaya wuxuu ku galaa camal wanaagsan iyo imaan dhab ah oo isla socda iyo fadliga Alle, lagama yaabo inuu galo jannada qof isdilaya iskaba daa midka dadka isku qarxinaya, waxaas oo dhan shaydaanka ayaa u qurxiyay dadka falkaas sameynaya.

Diinta islaamka waxay taqaanaa wax la dhaho jihaad, jihaadkana wuxuu leeyahay shuruud gaar ah oo islaamka uu sheegay, ka mid ma aha qofka inuu is dilo sida maanta kooxaha qaar ay sameynayaan, waxaa laga wariyay Abuu Muusaa -Ilaahay raalli haka noqdee –  wuxuu yiri: nin ayaa u yimid nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – wuxuu yiri:

“الرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلْمَغْنَمِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِلذِّكْرِ، وَالرَّجُلُ يُقَاتِلُ لِيُرَى مَكَانُهُ، فَمَنْ فِي سَبِيلِ اللهِ؟ قَالَ: مَنْ قَاتَلَ لِتَكُونَ كَلِمَةُ اللهِ هِيَ الْعُلْيَا فَهُوَ فِي سَبِيلِ اللهِ

Nin wuxuu u dagaallamaa qaniimo, ninna wuxuu u dagaallamaa in la sheego, ninna wuxuu u dagaallamaa si loo arko darajadiisa yaa ku sugan waddada Alle? Wuxuu yiri: qofka u dagaallamo si ay u noqoto kalmadda Alle midda ugu sarreysa isagaa ku sugan jidka Alle

wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:

 (إِنَّ اللَّهَ اشْتَرَى مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنْفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ يُقَاتِلُونَ  فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ وَالْقُرْآنِ)

(Alle wuxuu kaga gatay mu’miniinta naftooda iyo xoolahooda inay janno u ahaato waxay ku dagaallami jidka Alle oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Alle ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun liibaanta wayn)

Waxaa kaloo muhim ah in la ogaado kooxaha is qarxiya waxaa sameeyay sirdoonka adduunka dowlado ayaa fangareeya si dadka islaamka ay u nacaan, dad badan ayaa jira oo jaahiliin ah maanta u malaynaya diinta islaamka sidaas inay tahay.

Waxaa kaloo aan kuu sheegaa samanka nabiga (SCW) waxaa joogay dad munaafuqiin ahaa oo nabiga loo sheegay inay munaafuq yihiin, munaafuqa oo ahaa midka caqiidada hoos ayuu gaal ka yahay afkana muslin ayuu ka yahay quraanka in badan ayuu ka hadlay siiba suuratu attowba iyo suuratu almunaafiquun laakin nabiga ma dilin wuuna dili karay intaas wuxuu u dhaafay si aan loo dhihin nabi Muxammad asxaabtiisa ayuu dilayaa, markaas diinta islaamka ayaa laga sii cararayaa.

Dadka maanta qaraxyada fulinaya iyo dowladaha adduunka ka jira siiba kuwa gaalada way is og yihiin labada qoloaba hal meel ayay ka amar qaataan marka waxaa la rabaa in dadka la nacsiiyo diinta islaamka.

Falalka alshabaab ama daacish ama alqaacida dhamaan meel baa laga hagayaa dad baa sameystay waa shaqo sirdoon ah.

Marka aan usoo laabto dowladaha ogow inaysan jirin dowlad diin ku dhaqanto carab ama cajam waxay ahaataba, dhamaan waxay haystaan qanuunka gaalada, laakin shacabka oo laga xoog badan yahay oo dowladahaas ku hoos nool  shakhsi shakhsi looma gaalaysiin karo xataa hadday dowladda u shaqaynayaan, iskaba daayee in laysku qarxiyo, marka qofkii rabo inuu islaamka soo celiyo waa inuu jidka saxda ahaa usoo maraa awood iyo hub sameystaa asoo dagaal sharaf leh ku jira qabsada meesha uu qabsanayo, ee ma aha inuu dad masaakiin ah oo yaanyo suuqa ku gadaya inuu qof usoo diro isku qarxinaya, maskiinkaas isqarxiyay naarta ayuu shaqaystay wuxuu isku malaynayaa inuu jannada galayo.

 

Al shabaab in lala dagaalamo xaq miyaa

Exit mobile version