Addoonka sidee buu ku helaa ilaalada Alle?
Waxa ugu weyn uu addoonka raadiyo waa inuu helo xifdinta Alle taasna waxaa lagu heli karaa waxyaabo badan, wuxuu ku caddeeyay Alle kitaabkiisa sidoo kale nabiga SC wuxuu ku caddeeyay sunnadiisa:
Wuxuu yiri Alle:
(هُوَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ ثُمَّ اسْتَوَى عَلَى الْعَرْشِ يَعْلَمُ مَا يَلِجُ فِي الْأَرْضِ وَمَا يَخْرُجُ مِنْهَا وَمَا يَنْزِلُ مِنَ السَّمَاءِ وَمَا يَعْرُجُ فِيهَا وَهُوَ مَعَكُمْ أَيْنَ مَا كُنْتُمْ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ)
(Alle waa kan ku abuuray cirarka iyo dhulka lix maalmood qaddarkood, markaasna carshiga ku ekaaday wuxuuna ogyahay waxa dhulka gali iyo waxa ka soo bixi, waxa cirka ka soo dagi iyo waxa u kori, Allana waa idinla joogaa meelkastood ku sugantihiinba, waxaad camal falaysaanna Alle waa arkaa)
La jiritaanka Alle (cazza wajalla) waxaa ka mid ah la jiritaan alla ka cabsi ah iyo la jiritaan xoojin ah, lajiritaanka hore waxaa laga wadaa koobidda Alle – subxaanahu -uu koobay dhammaan khalqigiisa, wuxuu leeyahay Alle – subxaanahu-:
{وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ}
(Alle agtiisa waxaa ah furaha waxa maqan, wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna ogyahay waxa barriga iyo badda ku sugan, wixii caleen ah oo dhacdana wuu ogyahay, xabbad (masaga ah) oo mugdiga dhulka ku sugan iyo wixii qoyan ama ingagan waxay ku sugan yihiin kitaab cad), wuxuu leeyahay subxaanahu:
{أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ مَا يَكُونُ مِن نَّجْوَى ثَلَاثَةٍ إِلَّا هُوَ رَابِعُهُمْ وَلَا خَمْسَةٍ إِلَّا هُوَ سَادِسُهُمْ وَلَا أَدْنَى مِن ذَلِكَ وَلَا أَكْثَرَ إِلَّا هُوَ مَعَهُمْ أَيْنَ مَا كَانُوا ثُمَّ يُنَبِّئُهُم بِمَا عَمِلُوا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّ اللَّهَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ}
(Ma ogtahay in Ilaahay ogyahay cirka iyo dhulka waxa ku jira, seddexdii faqiba Ilaahay baa afreeya, shantana Ilaahay baa lixeeya, waxa ka yar iyo waxa ka badanba Ilaaahay baa la jooga meeshay ahaadaanba, wuxuuna uga warrami waxay camal faleen maalinta qiyaamo Ilaahayna wax walba waa ogyahay), wuxuu leeyahay Alle:
{أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ }
(Ma waxaan wax ogeyn Allaha wax walba abuuray ee wax walba daalacan.)
wuxuu leeyahay Alle:
{اذْهَبْ أَنْتَ وَأَخُوكَ بِآيَاتِي وَلَا تَنِيَا فِي ذِكْرِي * اذْهَبَا إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى * فَقُولَا لَهُ قَوْلًا لَيِّنًا لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَى * قَالَا رَبَّنَا إِنَّنَا نَخَافُ أَنْ يَفْرُطَ عَلَيْنَا أَوْ أَنْ يَطْغَى * قَالَ لَا تَخَافَا إِنَّنِي مَعَكُمَا أَسْمَعُ وَأَرَى}
(Ee La taga adiga iyo walaalkaa aayaadkayga hana ka daalina xuskayga * Aada xagga Fircoon wuu xadgudbaye * Una dhaha hadal jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama cabsado * waxay dheheen rabbiyow waxaannu ka cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo * wuxuu yidhi (Alle) ha cabsanina anaa idinla jira waana maqli oon arkaa).
nabi Muuse markay u maleeyeen dadkiisa fircoon iyo ciidankiisa inay soo haleeleen oona aysan ka badbaadi karin, badda hortooda ahayd fircoon iyo ciidankiisana gadaashooda joogeen way qayliyeen :
{إِنَّا لَمُدْرَكُونَ }
(Waa layna haleelay)
Sayidnaa Muuse ayaa u jawaabay yaqiinta midka ku kalsoon la jirka rabbigiisa iyo xoojintiisa iyo gargaarkiisa:
{قَالَ كَلَّا إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهْدِينِ}
(Wuxuuna yidhi (Nabi Muuse) saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i toosin),
nabigiisa iyo saaxibkiisa siddiiq markay hijrada ku jireen, wuxuu leeyahay sayidnaa Abuubakar – Ilaahay raalli haka noqdee -: Waxaan kula jiray nabiga godka waxaan eegay cagaha mushrikiinta waxaan iri rasuulkii allow hadduu midkooda cagihiisa eego wuu na arkaa, wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:
(يَا أَبَا بَكْرٍ ، مَا ظَنُّكَ بِاثْنَيْنِ اللهُ ثَالِثُهُمَا؟)
(Abuubakarow maxaad u malaynaysaa labo oo Ilaahay seddexaynayo?), wuxuu ka leeyahay Alle arrinkan:
{إِلَّا تَنْصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا فَأَنْزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَى وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ} .
(Haddaydaan u gargaarin Nabiga waxaa u gargaaray Alle markay bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo labo midkooda markay godka ku jireen markuu ku lahaa saaxiibkiis ha walbahaarin Eebaa inala jiree, oo Eebe ku dajiyay xasilkiisa kuna xoojiyay ciidan aydaan arkayn kana yeelay kalimadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, kalimadda Ilaahayna waa tan sarreysa, Eebana waa adkaade falsan).
Sugidda rumeynta Ilaahay (cazza wajalla) wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{وَأَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُؤْمِنِينَ}
(Eebana wuxuu la Jiraa Mu’miniinta), iimaanka wuxuu keenayaa siduu nabiga sheegay:
(أن تُؤمِنَ باللهِ ، وملائكتِه ، وكُتبِه ، ورُسلِه ، واليومِ الآخِرِ ، وتُؤمِنَ بالقدَرِ خَيرِه وشَرِّه)
(Inaad rumeyso Ilaahay iyo malaa’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushiisa iyo maalinta Aakhiro iyo inaad rumeyso qadarka khayrkiisa iyo shartiisa).
Dhabta iimaankana waa inay ka muuqato saameynta rumeynta dhaqanka qofka iyo siduu dadka kula dhaqamo, wuxuu leeyahay nabigeena:
(الْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ النَّاسُ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ ، وَالْمُؤْمِنُ مَنْ أمِنَهُ النَّاسُ عَلَى دِمَائِهِمْ وَأَمْوَالِهِمْ)
(Muslinka waa midka ay dadka ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa mu’minkana waa kan dadka u nabadgaliya dhiiggooda iyo hantidooda).
Waxaa ka mid ah inuu addoonka sugo taqwada iyo wanaajinta, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{إنَّ اللَّهَ مَعَ الَّذِينَ اتَّقَوا وَّالَّذِينَ هُم مُّحْسِنُونَ}
(Eebana wuxuu la jiraa kuwa dhawrsada wuxuuna la jiraa kuwa samafala), wuxuu leeyahay Alle:
{وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ}
(Ogaadana in Eebe la jiro kuwa dhawrsada), wuxuu leeyahay Alle:
{وَإِنَّ اللَّهَ لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ}
(Eebana wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala).
wuxuu leeyahay nabigeena:
(لَا تَحَاسَدُوا ، وَلَا تَنَاجَشُوا ، وَلَا تَبَاغَضُوا ، وَلَا تَدَابَرُوا ، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ ، وَكُونُوا عِبَادَ اللهِ إِخْوَانًا ، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ ، لَا يَظْلِمُهُ وَلَا يَخْذُلُهُ ، وَلَا يَحْقِرُهُ ، التَّقْوَى هَاهُنَا) ، وَيُشِيرُ إِلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ ، (بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنَ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ؛ دَمُهُ ، وَمَالُهُ ، وَعِرْضُهُ)
(Ha is xasdina ha is falisina ha nicina ha is dabajeedinina qaarkiina qaarka kale yaysan ku dul iibin, ahaada addoomaha Alle oo walaalo ah, muslinka waa muslinka kale walaalkii, ma dulmiyo ma hoojiyo, ma yaso, taqwada waa halkan, wuxuu tilmaamayay laabtiisa seddex jeer (qof waxaa ku filan xagga sharta inuu yaso walaalkiisa muslinka ah, muslinka muslinka kale xaaraan buu ka yahay dhiiggiisa iyo hantidiisa iyo sharaftiisa).
hagaajinta, wuuu ku caddeeyay nabiga dhabta hagaajinta oraahdiisa:
(أَنْ تَعْبُدَ اللَّهَ كَأَنَّكَ تَرَاهُ ، فَإِنْ لَمْ تَكُنْ تَرَاهُ فَإِنَّهُ يَرَاكَ)
(Inaad u caabudo Alle adoo arkaya oo kale haddaadan arkaynin isagaa ku arkayo).
wuxuu yiri Alle:
{أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ اللَّهَ يَرَى}
(Sow ma ogid in Alle arkayo).
sidaas oo kale waxaa ka mid ah sababaha lagu helo la jiritaanka Alle : sabarka, wuxuu yiri Alle:
{وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ}
(Sabra Alle wuxuu la jiraa kuwa sabree), wuxuu yiri Alle subxaanahu:
{وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ * الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُمْ مُصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ * أُولَئِكَ عَلَيْهِمْ صَلَوَاتٌ مِنْ رَبِّهِمْ وَرَحْمَةٌ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُهْتَدُونَ}
(Ee u bishaaree kuwa samra * kuwaas markuu dhib ku dhaco yiraahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa * kuwaas waxaa korkooda ahaan deeq Eebe iyo naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan), wuxuu yiri Alle:
{وَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ}
(Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici), wuxuu yiri rasuulka:
(وَاعْلَمْ أنَّ فِي الصَّبْرِ عَلَى مَا تَكْرَهُ خَيْرًا كَثِيرًا)
(Ogow waxa aad ku sambarayso inuu ku jiro khayr badan)
Sabarka waa nafta in laga celiyo argagaxa, carrabkana cabashada, jirkana cabsida xadka ka baxsan, wuxuuna ku soortoobayaa nafta in lala jihaado, waa siismo tan ugu fiican, wuxuu yiri rasuulka:
(…وَمَنْ يَتَصَبَّرْ يُصَبِّرْهُ اللَّهُ، وَمَا أُعْطِيَ أَحَدٌ عَطَاءً خَيْرًا وَأَوْسَعَ مِنَ الصَّبْرِ)
(…qofka is sabarsiiya Ilaahay baa sabarsiinaya, qofka lama siiyo siismo ka khayr badan kana ballaaran sabarka).
kan waa wax ka sugnaaday nabi Yuusuf – nabadgelyo korkiisa ha haatee – markii albaabada la xiray oona loo diyaariyay sababaha macsiyada rabbigiisa ayuu magangalay oo og mar kaste inuu la jiro, wuxuu bilaabay inuu ku celceliyo oraahda Alle:
{إِنَّهُ رَبِّي أَحْسَنَ مَثْوَايَ إِنَّهُ لاَ يُفْلِحُ الظَّالِمُونَ}
(Waa sayidkaygii wuxuu wanaajiyay horgaygee mana liibaanaan daalimiintu), waxaana sidan shaagtay naagta casiiska Masar siduu quraanka kariimka ku caddeeyay oraahda Alle:
{وَلَقَدْ رَاوَدْتُهُ عَنْ نَفْسِهِ فَاسْتَعْصَمْ}
(Anaa doonay Naftiisa wuuna is dhawray)
wuxuu leeyahay rabbiga cisada:
(وَعِزَّتِي ، لَا أَجْمَعُ عَلَى عَبْدِي خَوْفَيْنِ ، وَلَا أَجْمَعُ لَهُ أَمْنَيْنِ ؛ إِذَا أَمِنَنِي فِي الدُّنْيَا ، أَخَفْتُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ، وَإِذَا خَافَنِي فِي الدُّنْيَا ، أَمَّنْتُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ)
(Cisadayda ayaan ku dhaartee uma kulminayo addoonkayga labo cabsi iyo labo amaan, hadduu adduunka igaga helo amaan aakhiro cabsi baan ku ridayaa hadduu adduunka igaga baqana maalinta qiyaame ayaan amaan siinayaa).
Siduu uga helayo qofka galitaanka la jiritaanka Alle xuska Ilaahay, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ وَاشْكُرُوا لِي وَلَا تَكْفُرُونِ}
(Ee i xusa aan idin xusee (ajir idin siiyee) iguna mahadiya hana iga gaaloobina)
wuxuu leeyahay rasuulka:
(يَقُولُ اللَّهُ تَعَالَى : أَنَا عِنْدَ ظَنِّ عَبْدِي بِي ، وَأَنَا مَعَهُ إِذَا ذَكَرَنِي ، فَإِنْ ذَكَرَنِي فِي نَفْسِهِ ذَكَرْتُهُ فِي نَفْسِي ، وَإِنْ ذَكَرَنِي فِي مَلَإٍ ذَكَرْتُهُ فِي مَلَإٍ خَيْرٍ مِنْهُمْ…)
(Alle wuxuu leeyahay waxaan ku suganahay malada addoonkayga waanna la jiraa markuu i xuso hadduu naftiisa igu xuso naftayda ayaan ku xusayaa, hadduu igu xuso bulsho waxaan ku xusayaa dad ka khayr badan)
wuxuu yiri Alle:
{ الَّذِينَ قَالَ لَهُمُ النَّاسُ إِنَّ النَّاسَ قَدْ جَمَعُوا لَكُمْ فَاخْشَوْهُمْ فَزَادَهُمْ إِيمَانًا وَقَالُوا حَسْبُنَا اللَّهُ وَنِعْمَ الْوَكِيلُ}
(Ee ah kuwaa ay ku dhaheen dadku dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u siyaadiyey rumeyn, oy dhaheen kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaana u fiican wakiil), wuxuu yiri Alle:
{وَمَنْ يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ إِنَّ اللَّهَ بَالِغُ أَمْرِهِ قَدْ جَعَلَ اللَّهُ لِكُلِّ شَيْءٍ قَدْرًا}
(Ruuxii Eebe tala saartana waa ku filan yahay, Eebana amarkiisu waa fuli, (waxna kama fakado) wax walbana Eebe wuxuu u yeelay waqti sugan), wuxuu yiri Alle – jalla wacalaa-:
{أَلَيْسَ اللَّهُ بِكَافٍ عَبْدَهُ}
(Miyuusan ahayn Eebe kufillaha addoonkiisa).
Qofkii Alle talasaarta oo si dhib ugu kalsoonaada kaafintiisa cadowgiisa waxba kama qaadi karo, wuxuu doonana ma seegayo wuxuu jecel yahayna ma gefo, markaan ag istaagno oraahda Alle uu ku yiri sayidnaa Muusa:
{وَلِتُصْنَعَ عَلَى عَيْنِي}
(Si lagugu barbaariyo Ilaalintayda) iyo oraahdiisa subxaanahu:
{وَاصْطَنَعْتُكَ لِنَفْسِي}
(Waxaana kuu doortay Naftayda), iyo oraahdiisa uu nabigiisa ku yiri:
{وَاصْبِرْ لِحُكْمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعْيُنِنَا}
(Ee ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee) iyo oraahdiisa:
{وَبَشِّرِ الَّذِينَ آمَنُوا أَنَّ لَهُمْ قَدَمَ صِدْقٍ عِندَ رَبِّهِمْ}
(Uguna Bishaaree kuwa rumeeyay inay ku leeyihiin camal fiican Eebahood agtiisa).
wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah:
{قُلِ اللَّهُمَّ مَالِكَ الْمُلْكِ تُؤْتِي الْمُلْكَ مَنْ تَشَاءُ وَتَنْزِعُ الْمُلْكَ مِمَّنْ تَشَاءُ وَتُعِزُّ مَنْ تَشَاءُ وَتُذِلُّ مَنْ تَشَاءُ بِيَدِكَ الْخَيْرُ إِنَّكَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ}
(Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta xukunka waxaad siisaa xukunka ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» xukunka ciddaad doonto waxaadna cisaysaa ciddaad doonto waxaadna dulaysaa ciddaad doonto adaana hanta khayrka, adaana wax kasta kara), wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:
{ما يَفْتَحِ اللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحْمَةٍ فَلَا مُمْسِكَ لَهَا وَمَا يُمْسِكْ فَلَا مُرْسِلَ لَهُ مِن بَعْدِهِ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ }
(Wixii Eebe dadka ugu nicmeeyo oo naxariis ah wax celin karaa majiro, wuxuu celiyaana wax soodayn kara ma jiro dabadiis, waana adkaade falsan).
Qofka markuu dhib galo kaliya cibaadada ku dadaalo