Immisa nooc ayay u qaybsantaa dahaarada

Dahaarada waa sifada muslinka laga rabo mar walba inuu ku sifaysnaado.

Dahaarada labo nooc ayay u qaybsamaysaa dahaaro qalbiga iyo mid jirka.

Immisa nooc ayay u qaybsantaa dahaarada
Immisa nooc ayay u qaybsantaa dahaarada

Dahaarada qalbiga waxaa laga wadaa qofka inuu ahaado qof leh qalbi nadiif kana fog xaasidnimo iyo nacaybka muslimiinta, sidoo kale inuu munaafuq uusan ahayn.

Dahaarada jirka waxaa laga wadaa in qofka uu ka daahirsanaado xadaska yar oo laga wado kaadi iyo saxaro iyo iw. sidoo kale xadska weyn oo laga wado qofka inuusan qabin janaabo.

Alle wuxuu jecel yahay kuwa dahaarada ku dadaala mar kaste daahirka ah, wuxuu yiri:

(إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ)

(Alle wuxuu jecel yahay kuwa towbad keenka badan wuxuuna jecel yahay kuwa is dahiriya)

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More