Aadaabta fariisashada jidadka Sharxidda Axaadiista By Daruur On Jul 1, 2019 392 0 Rag badan inay jidka fariistaan ayay faduuliyaan dadka soo mara jidka waxay dhibaan dumarka sidoo kale naagaha ayay jirkooda eegaan. Diinta islaamka way reebtay faduuliska dadka iyo qashqashaadka socotada. Xadiis aad u qiima badan ayaa kusoo arooray aadaabta looga baahan yahay dadka jidka fariista. Aadaabta fariisashada jidadka Xadiiska wuxuu sheegay edebta laga rabo qofkii waddada fariista xadiiska waa kan: (إِيَّاكُمْ وَالْجُلُوسَ في الطُّرُقَاتِ) ، قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، مَا لَنَا بُدٌّ مِنْ مَجَالِسِنَا ، نَتَحَدَّثُ فِيهَا ، قَالَ رَسُولُ اللَّهِ (صلى الله عليه وسلم) : (فَإِذَا أَبَيْتُمْ إِلاَّ الْمَجْلِسَ فَأَعْطُوا الطَّرِيقَ حَقَّهُ) ، قَالُوا : وَمَا حَقُّهُ ؟ قَالَ : (غَضُّ الْبَصَرِ ، وَكَفُّ الأَذَى ، وَرَدُّ السَّلاَمِ ، وَالأَمْرُ بِالْمَعْرُوفِ وَالنَّهْىُ عَنِ الْمُنْكَرِ) (Iska jira inaad fariisataan jidadka, waxay dheheen rasuulkii allow kama maarmi karno, waan ku sheekeysanaa, wuxuu yiri rasuulka: (haddii aad diiddeen inaad fariisataan mooyee siiya jidka xaqiisa, waxay dhaheen waa maxay xaqiisa wuxuu yiri 🙁 laabashada aragga, joojinta dhibka, jawaabta salaanta, faridda wanaagga iyo reebidda xumaanta), Diinta IslaamkaSalaanta 0 392 Share