Aabahay iyo hooyaday oo dhintay ayaan ku arkaa riyo
Su’aasha:
Asc bahda daruur waan idin salaamay
Waxaan riyo ku arkaa inta badan aabahay iyo hooyaday oo dhintay siiba bilahan dambe aad baan u arkaa anakoo maraxaladii caadiga ahayd ee markay nooolaayeen uun iskaga jirna hawlahanagii caadiga ahaana iska qabsanna uun sidii markay noolaayeen oo kale
Mark maxaa la dhihi karaaa.
Aabahay iyo hooyaday oo dhintay ayaan ku arkaa riyo
Jawaabta:
Guud ahaan aragtida labada waalid hooyo iyo aabe aad ku arkayso riyada waa jacaylka aad u hayso iyo qalbiga ay kaaga jiraan waxaa lagaa rabaa mar kaste inaad u duceyso, riyada guud ahaan waa riyo wanaagsan inshaa Allaah waa khayr.
Qaabka aad ku aragtay wax weyn ayuu ka badalaa fasirka riyada iyo siday ku sugnaayeen, laakin guud ahaan waa khayr