Suuqa IQ Option ma laga shaqaysan karaa

Su’aasha:

walaal waxaan ubaahnaa inaan ka shaqeysto suuqa la yiraa IQ Option marka hadii aan ka shaqeysanaayo lacagta aan ka helo xaaraan miyaa wax ribo ah kuma arkin micnaha lacag la isaaranaayo marka suuqaas war iga siiya {mahadsanidiin}.

Suuqa IQ Option ma laga shaqaysan karaa
Suuqa IQ Option ma laga shaqaysan karaa

Jawaabta:

Waa maxay IQ Option ? marka hore waa inaan ogaano waxa IQ Option
tahay, waa shirkad uu sameeyay nin lagu magacaabo Dmitry Zaretsky sanadka 2013-kii waana ganacsi furan oo qof kaste ka qaybgali karo.

Ganacsiga ku dhisan nidaamka “IQ Option” ma aha wax diin ahaan u bannaan, maxaayeelay waxa lagu heshiiyay ma aha maal ama manfaco ama xaq cad oo hanti ku dhisan, ganacsigana wuxuu ku dhisan yahay wax cad, beeca wuxuu ansaxayaa marka ay arrimaha cad yihiin oo aysan ku jirin waxyaabo daahsoon, taasna waxaa qaba majmaca fiqiga islaamiga oo fatwo kasoo saaray beecaas inuusan bannaanayn, waayo dadka arrintaas ka ganacsado waxay iibinayaam hawo iyo male iyo saadaal, islaamka ma banneeyo marka ay tijaarada ku dhisan tahay ariimahaas oo kale.

  Waxaad ogaataa ribada kaliya ganacsiga ma xarrimto waxaa jira waxyaabo badan oo aan ribo ahayn oo beeca dhibaato u keeni kara, diinta meelo badan ayay ka eegaysaa, waxaa ka mid ah inaadan iibin karin wax adiga aadan lahayn ama wax aan loo jeedin, tusaale ahaan haddii aad tahay qof kulluumaysate ah oo qof aad kula heshiiso inaad ka iibiso kalluun badda ku jira oo aad lacag ka qaadato beecaas ma bannaan waayo diinta way diidday beec kaste ku dhisan wax daahsoon, maxaayeelay kalluunkaas gacanta kuma haysid.

 

Faahfaahin dheeraad halkan ka akhriso  linkiga 1  linkiga 2

 

Forex wax dambi ah miyaa iga soo gaaraayo

 

كلمة «فوركس» تشير إلى سوق العملات الأجنبية أو البورصة العالمية للعملات الأجنبية،

وهي اختصار للمصطلح الاقتصادي من اللغة الأجنبية “Foreign Exchange Market”

أي «سوق تداول العملات الأجنبية»، وهو سوق يمتد في جميع أنحاء العالم

حيث تصرف العملات من قبل عدة مشاركين،

مثل البنوك العالمية والمؤسسات الدولية والأسواق المالية والمتداولون الأفراد.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More