Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto

What is envy? How do we treat it?

Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto

Waa maxay xasadka iyo xaasidka ?

Xasadka waa dabci aad u xun, qofka xaasidka ah waa qof la dagaallamaya nimcada Ilaahay dadka siiyay, qof markuu wax helo waa dhibsadaa, wuxuu ku jiraa cadaab aduun.

qofka xaasidka marka aad la saaxiibto waxaad ka arkaysaa waxyaalo ku tusinaya inuu yahay xaasid.

Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto
Saaxiibka xaasidka astaamaha lagu garto

tusaale ahaan marka aad wax hesho ama guul aad meel ka gaarto wejigiisa ayaa isbaddalo wuu ku eedaa wuxuu ku dhahaa adiga waad is badashay markaad guusha heshay ima qiimaynaysid, waxaa laga yaabaa inuu caroodo oo kula hadli waayo muddo asoo keensanaya sabab kale.

xaasidka saaxibkaaga ah waxaa kaloo lagu gartaa marka aad la tashato  wixii fiican waa kaa leexinayaa, wuxuu mar kaste kula talinayaa wixii xun asoo is ka dhigaya inuu dantaada ku dadaalayo.

mararka qaarkooda kaftan duritaan ah ayuu kula kaftamayaa asoo raba inuu niyadda kaa dilo, sidoo kale haddii uu qalad kaa arkay hal mar ma illaawo mar kaste wuu kusoo xusuusiyaa.

waxaa fiican inaad ka fogaato qofka xaasidka ah.

waxaa ugu daran marka xaasidka ay naagtaada tahay, xaaska guriga kuu joogto oo aad ku aamintay naftaada, gabadha xasidka ayaa ka daran ninka xaasidka ah, sidoo kale qofka qaraabadaada ah markuu ku xasdayo waa xanuun iyadana.

xasadka marka uu gaaro meel fog wuxuu isu badalayaa cadaawad daran iyo aargudsi.

dilalka adduunka ka dhaco waxaa ka dambeeya xasadka, qofka xasidka ah shar kaste ka filo.

calamaadaha lagu garto kuwan ayaa ugu badan.

daawada xasadka waa maxay?

xasadka waa dabci qofka ku dhalanaya way adag tahay inuu xaasidnimada qofka ka tago laakin waxaan dhihi karnaa daawada xasadka waa cabsida Ilaahay qofka hadduu si dhab ah ugu dhaqamo diinta islaamka waa ka adkaan karaa xaasidnimada. waxaa laga yaabaa inaad u malayso qof xasid ah saxiib dhab ah waad ku qaldami kartaa laakin marka aad aragto calaamadahan waad ogaan kartaa inuu saaxibkaaga yahay xaasid xun.

Diinta islaamka dadka waxay reebtay inay is xasdaan, wuxuu leeyahay nabigeena (SCW):

(لَا تَحَاسَدُوا ، وَلَا تَنَاجَشُوا ، وَلَا تَبَاغَضُوا ، وَلَا تَدَابَرُوا ، وَلَا يَبِعْ بَعْضُكُمْ عَلَى بَيْعِ بَعْضٍ ، وَكُونُوا عِبَادَ اللهِ إِخْوَانًا ، الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ ، لَا يَظْلِمُهُ وَلَا يَخْذُلُهُ ، وَلَا يَحْقِرُهُ ، التَّقْوَى هَاهُنَا) ، وَيُشِيرُ إِلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ ، (بِحَسْبِ امْرِئٍ مِنَ الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ ، كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ؛ دَمُهُ ، وَمَالُهُ ، وَعِرْضُهُ)

(Ha is xasdina ha is falisina ha nicina ha is dabajeedinina qaarkiina qaarka kale yaysan ku dul iibin, ahaada addoomaha Alle oo walaalo ah, muslinka waa muslinka kale walaalkii, ma dulmiyo ma hoojiyo, ma yaso, taqwada waa halkan, wuxuu tilmaamayay laabtiisa seddex jeer (qof waxaa ku filan xagga sharta inuu yaso walaalkiisa muslinka ah, muslinka muslinka kale xaaraan buu ka yahay dhiiggiisa iyo hantidiisa iyo sharaftiisa).

حديث: “إياكم والحسد، فإن الحسد يأكل الحسنات كما تأكل النار الحطب”.
أخرجه أبو داود
وقال المناوي: (فإنَّ الحسد يأكل الحسنات. أي: يذهبها، ويحرقها، ويمحو أثرها. كما تأكل النار الحطب. أي: اليابس؛ لأنه يفضي بصاحبه إلى اغتياب المحسود، وشتمه، وقد يتلف ماله، أو يسعى في سفك دمه، وكل ذلك مظالم يقتصُّ منها في الآخرة، ويذهب في عوض ذلك حسنات، فلا حجة فيه للمعتزلة الزاعمين أنَّ المعاصي تحبط الطاعات.
فالشريعة الإسلامية جاءت بالترهيب من مساوئ الأخلاق، والترغيب في مكارم الأخلاق، فالله بعث نبيَّه ﷺ، وأنزل كتابه بهذا الأمر، فالقرآن أُنزل يدعو إلى مكارم الأخلاق ومحاسن الأعمال، وأعظمها توحيد الله، والإخلاص له، وإفراده بالعبادة، هذه أعظم الأخلاق الكريمة، وجاء الكتابُ والسنة أيضًا بالتحذير والترهيب من مساوئ الأخلاق، وأخبثها وأعظمها جريمة الشرك بالله

Haddaad guul rabto dadka xaasidka sidan u gal

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More