Adkaarta galabkii hadaan joogteyo il ma igu dhaci kartaa

Su’aasha:

Adkaarta galabkii hadaan joogteyo il ma igu dhaci kartaa anoo akhriyey.

Adkaarta galabkii hadaan joogteyo il ma igu dhaci kartaa
Adkaarta galabkii hadaan joogteyo il ma igu dhaci kartaa

Jawaabta:

Adkaarta in la akhristo waa cibaado qofkii sidaas fala uu ajar ka helayo, ha ahaato adkaarta la akhristo subaxdii ama galabtii ama xilliga salaadda, laakin markaad dhahdo haddaan akhristo adkaarta il iguma dhici karto taas waxay gacanta ugu jirtaa Alle,  Ilaahay qofkuu rabo wuu ka ilaaliyaa qofkuu rabana wuu ku asiibaa xataa hadduu adkaarta akhristo.

Marka inaysan il kugu dhacaynin haddaad adkaar akhrisato wax adiga aad shaqo ku leedahay ma aha Alle gacantiisa ayay ku jiraan arrimahaas, adiga markaad akhrisato cibaado ayaad la timid ajar ayaad ka helaysaa, hadduu Alle rabana wuu kaa ilaalinayaa isha, waa sida ducada oo kale marka Alle aad baryiso ducada hadduu rabo Alle waa kaa ajiibayaa haddii kale  kuuma ajiibayo ama wax kale kugu baddalayaa, laakin si kaste ducada waa cibaado oo ajar laga helayo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More