Xuquuqda Islaamku siiyay Dadka

Xuquuqda Islaamku siiyay Dadka

Barkada magaca ilaahay ayaan ku bilaabaynaa  ,nabad iyo naxariisina rasuulka ilaahay korkiisa ha ahaato.

Dhab ahaan islaamku waxa  uu ku eegay Dadka aragti saraysa oo ay weheliso waynayn iyo sharafidi,waxana arintaa iftiiminaya aayadan :

(وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ

عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا) اسراء70.

“dhab ahaantii ilma aadam waanu karaamaynay ,waxaanu ku xanbaarnay gaadiid aanu u sakhiray dhulka guudkiisa iyo badda dusheeda ,waxaanu ku arsaaqnay wax fiican ,waxaanu ka fadilay in badan oo ka mida makhluuqaadka fadilaad dhamaystiran”isra 70

Aragtidaasi waxay ka dhigtay xuquuqda dadka islaamka dhexdeesa mid ku tilmaaman dhamaystirnaan,kala duwanaansho iyo midaan aqbalayn marna wax ka bedelid,waa xuquuq siyaasiya ,xuquuq dhaqaale, xuquuq bulsho ,xuquuq fikriya suurta galna aanay ahayn dadka inay ku kala saarto kala duwanaanshahooda diineed ama noocooda lab iyo dhadig ,ama asalkooda,luuqadooda iyo midabkooda iyo wixii la hal maala,suurta galna maaha xuquuqdaa in wax laga bedelo sababtuna waxay tahay waa mabaa,di sugan oo samada ka timi.

Aragtida islaamka ee xuquuqal iinsaanku waa ka horu-marsantahay aragtida reer galbeedka ee ku dhisan is burinta ,xadaarada reer gableedkuna macnaha xuquuqal iinsaanka waxay ku koobtay  mid aan dhaafsiisnayn iinsaanka naftiisa, waxayna ka dhigtay xuquuq u hogaansan xadaaradaa ku dhisan muuqaalka madhan.

Dadka oo qof walba lagu koobo caqligiisa iyo dareenkiisa, lagana fogeeyo dareen kasta oo dhaafsan waxa ishiisu arkayso, ayay u xuub siibatay xadaarada reer galbeedku, waxana dadka ay ka fogaysay iimaan iyo caqli haboon oo qofka ku xidha daliilka iyo xujada,  waxana uu yidhi Cali ibnu abii daalib isagoo la hadlaya dadka “ waxaad sheeganaysaa inaad tahay xidig yar oo caalamka ku dhex jira” waxana uu tilmaamayay dadku inay leeyihiin aragti iyo aqoon dhaafasan tan aduunyada .

Falsafada ku dhisan aragtida Dikkaarti, xuquuqul iinsaanka waxay ku koobaysaa muuqaal maadiya oo keliya, kanasoo horjeeda wax kasta oo ka baxsan majaalka maaddiga ,macnahaasi waa mid kala dhantaalan, islaamka dhexdiisa dadku waxay dad ku yihiin iimaanka ay rumaysan yihiin caalamka qarsoon ,sida uu u jiro caalam muuqdaa ayuu u jiraa caalam qarsooni ,sida shahaadada cilmigu u leedahay shuruud iyo man-haj cilmiya oo ku dhisan daliil iyo xujo ,tijaabo iyo imtixaan ayuu caalamka qarsoonina u leeyahay shuruud iyo calaamado  ay dadku ku gartaan xaqaa,iqda sare,waxa laga yaabaa dad badni jaahil inay ka yihiin caalamkaa qarsoon, macnahaa kala dhantaalan waxa uu ka dhigay falsafada maaddiga  mid buuxisa meeshii diinta  iyo culuumtii maaddiga ahayd ,xuquuqdii dadka mid lagu hago,qaanuunkii dadku sameeyeena lagu bedlo qaanuunkii samada si dadka loogu koobo muuqaalka maadiga ah ,macnahaasi waxa uu ka muuqanayaa aragtida (dadnimada) ee ka dhigaysa xuquuqal iinsaanka mid la martabad ah xuquuqda ilaahnimada, waxayna faransiisku yidhaahdaan, qofka keliya caqligiisu waxa uu la martabad yahay heerka ilaahnimo,waxayna dadka ka dhigeen kuwo masuul ka ah waxkasta,waxay ka dhigeen kuwo dejiya qiyamka iyo mabaa,dida ,xukunka iyo nadaamkuna kasoo burqado xagooda, waxayna ka dhigeen iinsaanka macnahiisa mid ka fog iimaanka iyo caalamka qarsoon ilaa markii danbe ay ku magacaabeen macnaha tilmaama kala saarka tiinta iyo nolosha.

Xuquuqda Islaamku siiyay Dadka
Xuquuqda Islaamku siiyay Dadka

Calmaaniyadu waa diinta oo laga saaro nolosha,diinta oo laga saaro dawladnimada ,diinta oo laga saaro cilmiga ,dadnimda,cilmiga iyo ilbaxnimada oo laysku koobo,doodaasina waxay ku caan  baxday markii danbe “Aragtida kelinimada” waana falsafad ku qotonta qofnimada iyo qofku inuu yahay mid ku kooban qofnimdiisa macne sarana aan xidhiidh la lahayn,waana muuqaalka ay reer galbeedku huwiyeen xuquuqal iinsaanka,waxana uu marag u yahay is burinta ka muuqata laga bilaabo maalintuu soo baxay ilaa maanta.

sidaan ku fahmi karaa macnaha xuquuqda dadka ee ay ku af-gobaadsanayaan reer galbeedku  iyo ilbaxnimadoodu laga bilaabo kacaankii faransiiska iyo kacaanadii reer yururb ee kala danbeeyay,sidaan ku fahmi karaa macnaha xuquuqda ay ku baaqayaan iyadoo gumaysinimdii iyo shucuubta in la dulaystaa ay soo baxday kacaanadaa ka dib, siina jiitamaysay wakhti ka badan laba qarni.

Sidaan ku fahmi karaa xuquuqda dadka ee ay sheeganayaan iyagoo gumaysi ka suubiyay qaarada yurub,afrika ,aasiya ,ameerikada koonfureed,waqti dheerna uu qaatay gumaysigaasu,waxana la bah-dilay shucuubtaas,lana adoonsaday ,lana boobay hantidii dalalkooda ,sidaan ku fahmi karnaa xuquuqda ay ka sheekaynayaan iyagoo adigeesanaya miisaan leh laba dhinac ,dhinac mug wayn oo xuquuqdooda ay ku goostaan iyo dhinac mug yar oo ay dadka ku dulmiyaan?

Sidaan ku fahmi karaa xuquuqda dadka inaka oo arkayna xaalada dadku ku sugan yahay maanta ee dagaalada ah iyo xaaladii hore loosoo maray,siyaasada nukliyeerku hogaaminayo iyo hanjabaada joogtada ah ee caalamku maanta la noolyahay ,arintaasi waxay ku tusaysaa kala duwanaanshaha xuquuqda dadka ee ay sheeganayaan iyo xuquuqda islaamku siiyay dadka ee saldhigeedu yahay qofku xor inuu u yahay caqiidadiisa .

 Macnaha fog ee iimaankuna kama unkamin cidla ee waa xaqiiqo jirta oo dadka hore loogu sheegay sida rabbi kaga waramay aayadan .

(وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي آدَمَ مِنْ ظُهُورِهِمْ ذُرِّيَّتَهُمْ وَأَشْهَدَهُمْ عَلَى أَنْفُسِهِمْ أَلَسْتُ بِرَبِّكُمْ قَالُوا بَلَى شَهِدْنَا ) الأعراف 172.

“nebi maxamedaw xus wakhti rabbigaa  duriyada nebi aadam iyagoo dhabarka aabahood aadam ku sugan uu marag geliyay nafahooda kadib markuu su,aalay miyaanan ahayn rabbigiin,waxay yidhaahdeen haa arintaa waan qiray”

Xiligaas dadku ay maraga fureen waxay ahaayeen ruux ,ilaahaybaana ku warsaday awoodiisa, ma ahay rabbigiin,waxayna ku maqleen awooda ilaahay ,wayna ka markhaati noqdeen ,qof kastaana waa maqlay hadalka ilaahay waana ka jawaab celiyay, markhaatina waa ka noqday rabbinimada ilaahay .

Arintaasina waa dhab iyo xaqiiqo ilaahayna waxa uu yidhi :

(إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُوْلَئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا )اسراء 36.

“maqalka ,araga iyo caqliga ,dhamaantood waa laysa su,aali”

Aragtidaa fog ee xuquuqda dadku waxay ku qotontaa xoriyada caqiidada ee dadku xilgaa hore maraga ka noqdeen sidaa darteed ayuu ilaahayna yidhi :

البقرة 256.{لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَدْ تَبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَي  }

“diinta laysku khasbi maayo,xaqii waa ka cadaaday baadalkii “

Qof lagu khasbayaa diinta ma jiro ,dadkuna kumay kala horayn markhaatinimada rabbi, sida uu tilmaamay Caddaa allah iskandari ilaahay raali haka ahaadee .

Xoriyada caqiidadu maaha macne tilmaamaya xor in loo noqdo gaalnimo ,xor in loo noqdo fawdo,  balse waa aragti dheer iyo hubsiimo in loo yeesho xaqiiqooyinka kawnka iyo xaqiiqooyinka uu ku sugan yahay dadku,waana xaqiiqooyinka ilaahay dadka kaga fadilay makhluuqa intiisa kale ,waana seeska tilmaamaya dadku inaanay ku kala duwanayn asalka, ilaahayna waxa uu yidhi :

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ  ) الحجرات 13.

dad yahaw waxaanu idinka abuuray lab iyo dhadig ,waxaanu idinka dhignay shucuub iyo qabiilo  si aad isugu garataan ,qofka idiinku sharafta badini waa ka idiinku ilaahka cabsiga badan”xujuraad 13

Garashada ilaahay  ee uu xaqiijiyay ayuu qofku dadnimo ku mutaystay.

Kala duwanaanshaha labka iyo dhadiga,shucuubta iyo qabiiladu, waxay ku qotontaa xuquuq islaamku ku galladay dadka,sida caadiga ahna kala duwanaanshahaasi waxa uu gogol u noqdaa is barasho ,is jacayl,iyo nabadgelyo hana qaada,waxa ka dhalata in ay isu dhibirsanaadaan labka iyo dhadigu shucuubta dhexdeeda iyo qabiilada dhexdooda ilaahayna waxa uu yidhi ;

(آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْ رُسُلِهِ)البقرة 285.

“rasuulku waxa uu rumeeyay rabbigii xaqa uu kusoo dejiyay, muuminiintuna dhamaan waxay rumeeyeen ilaahay iyo malaa’igtiisa, kutubtiisa iyo rusushiisa,waxay dheheen ma diidayno rususha ilaahay mid kamida  “Al baqra 285.

iimaanka aayadu tilmaamtay waa asalka islaamka ,waxana uu qirayaa dhamaan rasuulada ilaahay ,dhamaan diimaha ,dhamaan fariimaha iyo kutubta samaawiga ah ee ka horaysay islaamka qurankuna uu tilmaamay,sadexda diimood ee samaawiga ah.

 Asalka dadku wadaagaan waa seeska sinaantooda iyo inaanay ku kala fadilayn jinsiga ay yihiin,waxana ilaahay yidhi :

(يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ وَالْأَرْحَامَ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيبًا) النساء 1.

 “dadyahaw ka cabsada rabbigiina idinka abuuray naf keliya , naftaana ka abuuray lamaanaheeda,labadoodana ka tafiiray rag badan iyo dumar,ka cabsada ilaaha aad wax waydiisataan isaga ,xuquuqda qaraabadana iska ilaaliya ,ilaahay waxa uu ahaaday mid korka kala spcda waxaad samaynaysaan”

Asalka ay dadku wadaagaan ayaa sees islaamku uga dhigay xuquuqda dadka iyo sinaantooda nebigana waxa ku sugnaaday nabad iyo naxariisi guudkiisa ha ahaatee inuu yidhi (dadyahaw rabbigiinu waa mid, aabihiina waa mid, fadli qof carabi ma dheera qof cajamiya ,qof cajamiyina ma dheera fadli qof caraba,qof cadi fadli ma dheera qof madaw,qof madawna fadli ma dheera mid cas ,waxa lagu kala fadli badanyahay sida looga kala cabsi badanyahay ilaahay) kaasina waa hadalkii nebiga nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ,waxana uu marag u yahay kala duwanaanshaha waxana arintaasi sees ku dhex leedahay culuumta islaamka iyo fiqiga kala aragti duwanaanshaha ,culimadu waxay dhaheen:qofka aan fahmin cilmigakhilaafka sankiisu ma urin carafta fiqiga .

Kala aragti duwanaanshaha iyo fahamka khilaafku waa seeska macnaha xuquuqda dadka,kala duwanaanshaha dadka ka dhaxaysaa waxay leedahay muuqaalo ha ahaato mid ku dhisan cirqi ama diin ama fikir ,ama ilbaxnimo ama dhaqan iyo waxa la hal maala,kala duwanaanshaha noocaasi iyo aqbalida macnahaasi islaamka dhexdiisa waa deeq fikir ahaan iyo qoon ahaanba ilabaxnimada islaamku  ku deeqday,kala duwanaanshahaasi waata ka dhigtay Seebawayhi al faaris caalim wayn oo ku xeel dheer luuqada iyo xaddaarada islaamka,waxa la tusaale ah Jur-jaani iyo Taqtasaani ,iyo qayrkood, waxayna ku dhisnayd kala duwanaanshahaasi rag iyo hogaamiyayaal aan carab ahayn balse islaamiyiina,iyadoo hadana carabiga ay ku dejisnaayeen cilmiga ummada oo dhami sida cilmiga tafsiirka ,fiqiga ,usuulka ,iyo culuumta la midka ahi.

Waakuma imaam Bukhaari ,xageebaanu ka yimi ?waa kuma imaam Tarmadi ,Muslim,Nisaa,i ,ibnu Maaja , Dabaraani,Bayhaqi ? iyo kuwa la midka ahaa ,tirada ugu badan raga wariya xadiiska iyo qaybo badan oo ka mida culimada tafsiirka sida Samakhshari ,Naysaabuuri iyo kuwa la midka ah ,waa kuma abuu xaniifa nucmaan ilaahayraali haka noqdee ?carab may ahayn, waa kuma Axmed binu xanbal?carab muu ahayn , waa kuma faqiiha masar Al Lays binu sacad ? ee uu shaafici ilaahay raali haka ahaadee yidhi Laysi isagaa maalik ka faqiihsanaa laakiin ardaydiisa ayaa dayacday , waa kuma Xasan al basri madaxii taabiciintu ?ee ahaa xidig ifaya , waa kuma imaam Shacbi ? Cadaa binu rabaax , daxaak ? ragaa iyo kuwa la midka ahi waxay  culuumta islaamka kusoo kordhiyeen fiqi, qaacidooyin, xadiis ,tafsiir, eraybixin , dhamaan ragaa aan xusnay carab may ahayn laakiin waxa sidaa ka dhigay waa xaqa islaamku siiyay dadka ee ku dhisan sinaanta iyadoo laga duulayo asalka dadku ka midaysan yihiin ee quraanku tilmaamay.

Kala duwanaanshahaasi waa sees iyo mab-da hagaya sinaanta iyo xuquuqda islaamku ugu deeqay dadka ,waa mab-da ka marag kacaya dhamaystiraanta fariinta islaamka ,fariinta caalamka oo dhan u ah naxariista sida ilaahay ku yidhi aayadan:

{وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِين }

“nebi muxamedaw kuumaanu dirin raxmad inaad aduunka oo dhan u noqoto mooyee “

 fariinta islaamku raxmadeedu makala xigsanayso jinsiyadaha iyo ummadaha, kumana koobna dadka oo keliiya ee waxay wada gaadhaysaa xitaa makhluuqa kale ee dadka badankiisu aanay dhaadsanayn.

Dadna yay ku dheel dheelin dad kale ,dumarna yay ku dheel dheelin dumar kale waxa laga yaabaa inay iyaga ka khayr badan yihiine ,farqi uma dhexeeyo nin iyo gabadh ,lab iyo dhadig ,ilaahayna koreeye waxa uu yidhi :

(فَاسْتَجَابَ لَهُمْ رَبُّهُمْ أَنِّي لَا أُضِيعُ عَمَلَ عَامِلٍ مِنْكُمْ مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى بَعْضُكُمْ مِنْ بَعْضٍ) آل عمران195.

“waxa uu u aqbalay dadka rabbigood, inaanu luminayn qof camal sameeyay camalkii oo dadka ka mid ah, ha ahaado lab ama dhadig ,dadka badba badhka kale ayay ka ahaadeen”     .cimraan 195.

Sinaantu waa mab-da ku sugan laguna sugay diinta iyadoo la tix gelinayo kala duwanaanshaha ,waana macnaha xeesha dheer ee kala duwanaanshaha iyo is khilaafka ee quraanku kaga waramay aayadihii hore aan u xusnay,kala duwanaanshahaasi waa seeska iyo ilhaamka xoriyada rayi dhiibashada ee islaamku qiray ilaahayna  sareeye waxa uu yidhi:

سورة الرحمن,1,2,3,4.{الرَّحْمَنُ عَلَّمَ الْقُرْآنَ خَلَقَ الْإِنْسَانَ عَلَّمَهُ الْبَيَانَ }

“ilaahay waaka naxariista ee dadka baray quraanka,dadkana abuuray,barayna af-tahnimada “   raxmaan 1.2.3.4.

Xoriyatul-qawlku waxay ka mid tahay nimcada ilaahay bixiyay kadib markuu baray dadka af-tahanimada ,waliba xaq keliya oo islaamku dadka siiyay maaha ee waajib ilaahay dadka saaray inay gudtaan nimcadaa af-tahanimada ah iyagoo u adeegsanaya cadaynta xaqa iyo wanaag faris iyo xumaan  reebis.

Xadiisna waxa uu tilmaamay kelmeda ugu fadliga badani ee culmadu ay dhahaan inay tahay kelmed xaq ah oo ay ka hor dhahaan hogaamiye xad-gudbay,waana sida uu yidhi Cumar binu khadaab ilaahay raali haka noqdee (khayr ma lihidin hadaydaan dhihin kelmada xaqa ah ) laakiin xoriyatul qawlku maaha fidno in la abuuro ,tuhun iyo xumaan wax duminaysana oo aan diinta ilaahay ogolayn  lagaga shaqeeyo ,xoriyatul qawlku waa masuuliyad ,ilaahayna waxa uu yidhi maxay muuminiintu naftooda khayr uga malaysan waayeen arintii caai,sha ,waxaad moodayseen wax fudud balse ilaahay agtiisa waa arin wayn,macnahaa wax duminaya xoriyatul qawlku marka uu noqdo diinta ilaahay asal kuma laha ,ilaahayna koreeye waxa uu yidhi :

(وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا) الاسراء36.

“ha dhex gelin waxaanad aqoon u lahayn,maqalka, araga iyo qalbigaba dhamaantood waa lays waydiinayaa  ”Isra 36.

Ilaahay koreeye waxa uu yidhi :

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا)حجرات6.

“ dadka ilaahay rumeeyayaw hadii uu idiinla yimaado faasiq war hubiya “xujuraad6.

Waxa kale oo ilaahay koreeye yidhi :

(وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا)انعام 152.

hadal markaad odhanaysaan caddaalada ku saleeya”Ancaam152.

Hadalku waa inuu ahaadaa mid ku salaysan caddaalada nebiguna  nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu yidhi (qofka ceeb waxa ugu filan inuu sheego wax kasta oo uu maqlay)ama (qofka been waxa ugu filan inuu ku waramo wax kasta oo uu maqlay )xoriyatul qawlku waxay leedahay xuduud ,asalkuna waxa uu yahay xuquuqda dadku waata dadka ku xidhaysa iimaanka iyo caalamka aakhiro.

Macnaha fog ee iimaanka ayaa damaanad qaadaya xuquuqda dadku ku dhex leeyihiin islaamka ,waana iimaanka dhabta ah ee tilmaamaya dadku inay dhamaan u laabanayaan ilaahay ,halka aduunku ku u socdaana tahay dhinaca rabbi ilaahayna koreeye waxa uu yidhi :

(وَمَا هَذِهِ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا لَهْوٌ وَلَعِبٌ وَإِنَّ الدَّارَ الْآخِرَةَ لَهِيَ الْحَيَوَانُ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ )العنكبوت64.

“  noloshan aduunyo ee dhawi waa dhalanteed iyo ciyaar,daarta aakhiro ayaa ah nolosha dhabta ah haday garan lahaayeen” cankabuut 64.

Noloshu ku dhamaan mayso geeri keliya ee waxa la tegayaa nolosha dhabta ah ee waaraysa ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

(وَاتَّقُوا يَوْمًا تُرْجَعُونَ فِيهِ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ تُوَفَّى كُلُّ نَفْسٍ مَا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ)البقرة281.

“ka cabsada maalin laydiin celin doono ilaahay xagiisa, kadibna uu u oofin doono naf kasta waxay fashay iyadoon la dulmin” baqra 281.

Macnaha caddaaladu waa xaq ka mida xuquuqda dadka, waana mid ku xidhan iimaanka la rumaysan yahay aakhiro iyo maalinta xisaabta, kadib dadka marka lasoo saaro ,waxana arintaasi marag u tahay aduunka dhayal inaan loo abuurin sida ilaahay sareeye aayadan ku tilmaamay :

(أَفَحَسِبْتُمْ أَنَّمَا خَلَقْنَاكُمْ عَبَثًا وَأَنَّكُمْ إِلَيْنَا لَا تُرْجَعُونَ) المؤمنون 115.

“ma waxaad u malayseen dhayal inaanu idiin abuuray oo aydaan xagayaga usoo laabanayn”muuminuun 115.

Caddaaladu waa rabbi dadka faray dhexdooda inay suubiyaan waana sees ka mida xuquuqda islaamku siiyay dadka waxayna xudun u ahayd dhamaan diimihii iyo fariimihii hore waxana ilaahay koreeye yidhi :

“إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ وَالْإِحْسَانِ وَإِيتَاءِ ذِي الْقُرْبَى وَيَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاءِ وَالْمُنْكَرِ وَالْبَغْيِ يَعِظُكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ”.النحل 90.

“ilaahay waxa uu idin amrayaa falista cadaalada iyo samo falka,kaalmaynta qaraabada, waxa uu idinka reebayaa xumaanta,falka foosha xun  iyo xad-gudubka ,waa idin waaninayaa si aydaan u ilaabin” naxli 90

Nolosha dadku waxay ku abtirsataa asal keliya ,waxayna u socotaa meel keliya ,ilaahay waxa uu ku galladay dadka aqoon saraysa iyo sharaf gaara ,waxana uu ka fadilay  khalqi badan oo abuuray sidaa darteed dadka waa in lagu daryeelo xurmo iyo karaamana lagu siiyo sida ilaahay koreeye yidhi :

(مِنْ أَجْلِ ذَلِكَ كَتَبْنَا عَلَى بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنَّهُ مَنْ قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا) المائده 32.

“waxaanu reer banii israa’iil ku xukunay qofka dila nafaan waxaba dilin ama dhulka fasaadin inuu la mid yahay qof dadka oo dhan dilay “ maa,ida 32.

Xurmada dadku waa mid sugan,xaqa noloshuna waa mid sugan iyadoon dadka lagu kala soocayn jinsi ama midab ama cirqi ama diin iyo wax lamida ,nebiguna nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxa uu ku yidhi xadiiska bukhaari soo saaray (qofka dila qof magan muslimiinta ka haysta waxa xaaraan ka ah janada ) ilaahayna sareeye waxa uu yidhi :

 

(وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالْأَنْفَ بِالْأَنْفِ وَالْأُذُنَ بِالْأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ) المائدة 45.

waxaanu ku faral yeelay nafta in  loo jaro naf,ishana loo rido il, sankana loo jaro san, dhegtana loo jaro dheg, iligana loo rido ilig,dhaawacana loo kala gooyo” maa,ida 45.

Fahamkaa sareeya ee la xidhiidha xuquuqda dadka ee cilaaqada la leh asalka iimaanku waa damaanada dhabta ah ee hirgelinta xuquuqda dadka ,  kumana shaqeeyo miisaan laba dhinac leh iyo qiyaaso ku xidhan fac iyo xadaarad ama shacab iyo dad xoog meel ku qabsaday aragtidooda balse aragtida islaamku waxay ku qotontaa asal ka yimi xaga rabbi oo dadka oo dhan kulminaya una jahaynaya xisaabta danbe iyo macnaha ugu sareeya ee iimaanka .

Waxaa ka mid ah qiyamka diinta ugu muhimsan: in loo naxariisto dadka daciifka ah, iyo in la tixgaliyo dadka dad’a ah, iyo in la siiyo dadka himada leh xuquuqdooda iyadoo dhammaystiran aan naaqus ahayn, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(إِنَّمَا يَنْصُرُ اللَّهُ هَذِهِ الأُمَّةَ بِضَعِيفِهَا، بِدَعْوَتِهِمْ، وَصَلاتِهِمْ، وَإِخْلاصِهِم)،

wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(الرَّاحِمُونَ يَرْحَمُهُمُ الرَّحْمَنُ ارْحَمُوا مَنْ فِي الْأَرْضِ يَرْحَمْكُمْ مَنْ فِي السَّمَاءِ).

(Naxariisteyaasha raxmaanka ayaa u naxariista, ee u naxariista kan dhulka ku sugan ha idin naxariistee kan cirka jira)

 

Astaamaha ay leeyihiin raga iyo dumarka munaafuqa ah

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More